Haween ka tirsan Labada Aqalka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo tababar ugu ambabaxay Turkiga

Date:

Haweenka ku jira Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta safar ku saleysan aqoon isweydaarsi ugu ambabaxay dalka Turkiga.

Haweenka Xildhibaanada ee u ambabaxay dalka Turkiga ayaa ka kooban 20-Xildhibaan,waxaana sidoo kale qeyb ka ah safarka Dahabo Xasan Axmed oo ka socota Hay’adda Hear Women oo fidisay kulanka aqoon kororsiga ee ka dhacaya dalka Turkiga.

Xildhibaan Dr. Mina Xasan Maxamed oo ka tirsan Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya oo warbaahinta Qaranka kula hadashay gudaha Garoonka Aadan Cadde ka hor inteysan dhoofin ayaa sheegtay in tababar soconaya mudo todobaad ah ugu ambabaxeen dalka Turkiga,waxayna rajo wanaagsan ka muujisay in wax badan oo qibrad ah ka soo faa’idi doonaan howsha ay u baxeen.

Waxay sheegtay in tababarka ay u socdaan dan weyn ugu jirto,islamarkaana rajeyneyso iney aqoon wanaagsan kala soo laabtaan Turkiga.

Senator Saciido Xasan Cusmaan oo ka mid ah Xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Hay’adda Hear Women uga mahad celisay casuumaddan aqoon isweydaarsiga oo ay u fidisay,waxayna tilmaantay iney wax badan  ka soo faa’ideysan doonaan mudada ay joogaan dalka Turkiga.

Ugu dambeyntii,mudada Xildhibaanada Haweenka Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ay ku sugan yihiin dalka Turkiga waxay la kulmi doonaan Haweenka ku jira Baarlamaanka dalkaasi oo ay ka wada arrinsan doonaan sidii xiriir wanaagsan u yeelan lahaayeen Labada Baarlamaan gaar ahaan Haweenkooda.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Qaranka oo 29 Khawaarij ah ku dileen howlgal ay ka fuliyeen Shabeellaha Dhexe.

Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa xalay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo si diirran loogu soo dhaweeyay Dhuusamareeb.

Dhuusamareeb, Khamiis, 01 Janaayo 2026: —Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Wasaaradda Awqaafta XFS oo farriin u dirtay Imaamyada Masaajidyada.

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

HSJ Soomaaliya oo dib u dhigtay hirgelinta sharciga Kaarka Aqoonsiga ee Safarka Gudaha.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay...