Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre oo guddoomiyay shirarka tubaha Dhaqaalaha iyo amniga

Date:

Muqdisho (SNTV):- Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay shirarka tubaha horumarinta dhaqaalaha iyo amniga iyo caddaaladda oo looga hadlay sameynta Hay’adda Maal-gelinta Ganacsiga yaryar iyo Kuwa Dhexe iyo heerka ay marayso Diiwaan-gelinta Ciidamada qalabka sida.

Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa tubta horumarinta caddaaladda iyo amniga waxa ay kusoo bandhigtay warbixin ay ka diyaarisay samaynta Hay’adda Maalgelinta Ganacsiga yaryar iyo Kuwa Dhexe.

Dhanka kale, shirka tubta amniga iyo caddaalada ayey wasaaradda maaliyaddu kusoo bandhigtay warbixin la xariirta heerka ay marayso diiwaan-gelinta ciidamada qalabka sida (Biometric registration).

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa hay’adaha iyo wasaaradaha halbeegyada ku leh tubaha waxa uu faray inEy laba jibbaaraan dadaallada ay fulinayaan ballan qaadyadii ay sameeyeen sannadkaan bilaawgiisii, si loogu guulaysto gaarista himilooyinka tubaha qaranka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wafdi ka socday Dowladda UK

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Qoyska oo Muqdisho kusoo dhaweysay Wafdi ka socda Boqortooyada Ingiriiska

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...

G/ Ku-xigeenka koowaad Aqalka Sare oo kormeer ugu tagay Guddiga dib-u-eegista Dastuurka

Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Arday Soomaaliyeed oo deeq waxbarasho ka heshay dalka Algeria

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa ku...