AMISOM oo Ciidanka Soomaaliya ku wareejineysa Kulliyadda jaalle Siyaad

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Howl-galka nabad ilaalinta Midowga Afrika ayaa lagu wadaa in daba yaaqada Bishan ay ka baxaan Kulliyadda Milliteriga ee Jaalle Siyaad, halkaas oo ay ku sugnaayeen muddo ku dhow Toban Sano.

Wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika u qaabbilsan Soomaaliya, Ambassador Francisco Madeira, oo qeyb ka ahaa kormeer uu Wasiiru Dowlaha Difaaca Soomaaliya ku tagay halkaasi ayaa sheegay in ay ku wareejin doonaan Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed, markii ay soo gaba-gabeeyeen dayac tir ay halkaasi ka wadeen tan Bishii December ee Sanadkii hore.

Amb; Madeira, oo uu kormeerkiisa ku wehliyay Wasiiru Dowlaha wasaaradda Difaaca Soomaaliya, Maxamed Cali xagaa, Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga iyo Amisom, ayaa waxay Indha-indheyn ku sameeyeen goobo la dayactiray oo ka mid ah xarunta Kulliyadda Jaalle Siyaad.

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Soomaaliya , Maxamed Cali Xagaa, ayaa uga mahadceliyay Amisom taageerada joogtada ah ee ay u hayaan geeddi-socodka nabadeynta Dalka, gaar ahaan Ciidanka Burundi oo halkaasi ku sugnaa tan iyo 2011-kii.

“Waxaan doonayaa in aan si gaar ah ugu mahad celiyo Ciidanka Burundi ee naftooda u huray,  si ay Gacan uga geystaan soo celinta xasilloonida Dalka Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiir Xagaa.

Gen; Leonidas Niyungeko, oo ka mid ah Saraakiisha howl-galka Amisom ee halkaasi ka hadashay ayaa ballanqaaday in ay taageero buuxda siin doonaan mar walba Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si loo soo celiyo nabad gelyada Dalka.

Dabayaaqada Bishan oo lagu wado in ay Ciidanka Burundi ka baxaan Kulliyaddan ayaa noqoneysa xaruntii Saddexaad ee ay ku wareejiyaan Gacanta Dowladda Soomaaliya, iyagoo July 2017-dii banneeyay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, halka Garoonka Stadium Muqdisho ay ka baxeen Bishii Agoosto 2018.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

Banaanbax ka dhan ah xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay...

Madaxweynaha JFS oo kulan wada-tashi ah la qaatay Madaxda Dowlad-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Madaxweynaha JFS oo la kulmay Mas’uuliyiinta Gobollada Waqooyi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Xildhibaanada labada Aqal oo ansixiyey qaraar ku saabsan diidmada iyo ka-hortagga xadgudubka Israa’iil

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo...