Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre: Aan u Midowno Dowladnimada Soomaaliyeed

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane; Xasan Cali Khayre, oo Maanta soo xiray shir waynaha soo bandhigidda iyo xaqiijinta hannaanka dhab-u-heshiinta qaran, ayaa ku baaqay in dadka Soomaaliyeed ay u midoobaan dawlad wanaagga iyo la dagaalanka Musuq-maasuqa.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo wasaaradda arrimaha gudaha uga mahadceliyay dhamaystirka hannaanka dhab-u-heshiinta qaranka, ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay is-waydiiyaan waxa keenay khilaafka bulshada dhan saameeyay, si looga fikiro in dadka Soomaaliyeed ay dib-u-midoobaan, isaga oo hoosta ka xariiqay in isku-duubnida qaybaha kala duwan ee bulshada ay muhiim u tahay hagaajinta dawladnimada, soo celinta sharafta iyo karaamada umadda iyo dib-u-dhiska dalka.

“Qabyaaladda iyo qaranka dumay waxaa aasaas ka ah musuq-maasuqa oo meel walba aaba iyo hooyo u ah. Kulligeen aan u midowno in aan musuq-maasuqa la dagaalno. Dawladnimada Soomaaliyeed oo isu keeni lahayd umadda Soomaaliyeed, soo celin lahayd karaamadeenna, soo dedejin lahayd dib-u-heshiisiinta, aan u midawno, dhexda u xiranno dhibbay rabtaaye aan ka wada shaqayno”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Shir-waynaha ayaa lagu soo bandhigay ujeeddada guud ee hannaanka dhab-u-heshiinta qaran oo noqonaya habraac la isku raacsanyahay oo gun-dhig iyo hage u noqda dhab-u-heshiin qaran, taas oo dadka Soomaaliyeed ka bogsiinaysa ayna uga gudbayaan dhibkii dhex maray, soona celinaysa is-aaminaaddii, waddaniyaddii iyo wanaaggii, xoojinaysana kalsoonida ay ku qabaan dowladnimada, isla markaana u horseedaysa horumar iyo soo-kabasho bulsho, siyaasadeed, dhaqaale iyo amni.

Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta ayaa halbeegyada ugu jira tubta siyaasadda loo dhanyahay ee la doonayo in sannadkaan ay ku xaqiijiso waxaa kamid ah horumarinta hannaanka dhab-u-heshiinta qaranka oo aasaaskiisu yahay dhaqanka Soomaaliyeed iyo Diinta Islaamka, si ugu dambayn golaha wasiirrada loo hor-geeyo loogana dhigo sharciga dhab-u-heshiinta Qaran.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Cadaaladda oo la kulmay wafdi uu hoggaaminayay Safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan...

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad oo uu wehliyo Duqa Muqdisho ayaa Dhagax-dhigay dhismaha waddada Nasiib Buundo

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka...

Dowladda oo war kasoo saartay Qarax saakay ka dhacay xero Damaayo degmada Hodan

WARSAXAAFADEED Saakay abaare 09:20am waxaa afaafka hore ee xerada Ciidanka...

Maxkamadda gobolka Baay oo xukun dil Toogasha ah ku riday Nin horay dil u geeystay

Maxkamada gobolka Baay ayaa u fariisatay dhageysiga dacwadda kiis...