Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Jamhuuriyadda Jabuuti

Date:

Jabuuti (SNTV): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo gabagabeeyay booqasho shaqo oo uu muddo labo maalmood ku joogay dalka Burundi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta aanu ka soo ambabixin magaalada Bujumbura waxa uu wadahadallo la yeeshay Madaxweynaha Burundi Mudane Pierre Nkurunziza iyada oo laga soo saaray war-murtiyeed wadajir ah oo lagu adkeynayo xiriirka labada dal, hawlgallada ka dhanka ah argagixisada iyo dhaqangelinta Qorshaha Kala-guurka ah ee Soomaaliya.

“Waxaan kaaga mahadcelinayaa Mudane Madaxweyne soo dhaweyntii iyo martisoorkii aad noo fidiseen aniga iyo wafdigayga. Waxaan rajaynayaa in booqashadan taariikhiga ah ay xoojiso xiriirka diblomaasiyadeed iyo kan amni ee labadeenna dal. Naf-hurnimada ay noo sameeyeen Ciidamada Burundi ma aha mid aan illaawi doonno, abaal ayaanuna idinkaga haynaa.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdigiisa oo caawa gaaray magaalada Jabuuti ayaa berri kulan la qaadanayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Arrimaha diiradda lagu saarayo kulanka labada Madaxweyne ayaa waxaa kamid ah xoojinta xiriirka walaaltinimo, xaaladda guud ee gobolka Geeska Afrika iyo iskaashiga amni ee labada dal.

Safarkan waxaa Madaxweynaha ku wehelinaya Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Xasan Maxamed Cali, La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Mudane Cabdisaciid Muuse Cali iyo Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Mudane Daahir Aadan Cilmi (Indha-Qarsho).

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha guutada lixaad ee qaybta 60-aad oo tababbar u soo xiray cutubyo ka tirsan guutada lixaad

Taliyaha Guutada 6-aad ee Qaybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka...

Ciidanka Ammaanka oo gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan Khawaarijta

Ciidamada Ammaanka ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsanaa...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xarigga ka jaray Baakin casri ah oo laga hirgeliyey xayndaabka garoonka Aadan Cadde

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane...

Soomaaliya oo dhambaal taageero ah u dirtay Dowladda Qatar

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujinaysaa walaac qotada dheer oo...