Wafdi uu hoggaaminayo Xoghayaha Joogta Wasaaradda Qorsheynta XFS oo maanta gaaray magaalada Kismaayo

Date:

Muqdisho (SNTV)- Xoghayaha joogta Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Aadan  ayaa maanta gaaray magaaladda Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Jubbaland, waxaana  socdaalka ku wehlinayo Khubarro iyo  qaar kamid ah Shaqaalaha Wasaaradda Qorsheynta.

Waxaa garoonka diyaaradaha ee  Magalaadda Kismaayo ku soo dhaweeyay Waftiga Wasiirka Qorsheynta  Jubbaland  iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulkaasi.

Wasiirka Qorsheynta Jubbaland  oo qeybta soo dhaweynta garoonka diyaaradda Magaalada Kismaayo kula hadlay warbaahinta ayaa soo dhaweeyay wafdiga, waxuuna intaasi ku daray in ka jubbaland ahaan ay soo dhaweeynayaan Watashiga Wareegga koowaad ee Qorshaha horumarinta Qaranka Sagaalaad.

Xoghayaha joogta Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Aadan, ayaa sheegay in dalka oo dhan si rasmi ah ugu daah furmay wadatashiga wareegga koowaad ee  Qorsahaha Horuminta Qaranka Sagaalaad, tasoo ahmiyada laga leeyahay ay tahay in dhammaan Ummadda Soomaaliyeed talooyinkooda la dhageysto iyo waxyaabaha ahmiyada u leh in qorshaha sagaalaad lagu cadeeyo.

Waftiga uu hoggaaminayo Xoghayaha joogta Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS ayaa Magaaalada kismaayo ku sugnaan doona muddo afar maalmood ah, si wadatashi  siman loola yeesho dadka ku nool Jubbaland.

W/D:-Abdirishiid Nuur Ibraahim

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Laascaanood oo maanta lagu qabanayo munaasabada caleemo saarka madaxda Waqooyi bari

Waxa maanta magaalada laascaanood ee xarunta dowlad gobolleedka Waqooyi...

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshadda XFS oo kulan la qaatay wasiirka qoyska iyo adeegyada bulshadda ee dalka Turkiga

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya Mudane Prof....

Dowladda koonfurta Sudan oo si adag u taageertay ilaalinta midnimada Soomaaliya

Dowladda Jamhuuriyadda Suudaanta Koonfureed ayaa si rasmi ah u...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo laascaanood ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socda dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...