Munaasabad lagu xusayey Sanadguuradii 59aad ee aas-aaska Ciidanka Cirka oo Muqdisho lagu Qabtay

Date:

Muqdisho (SNTV)- Munaasabadaan oo lagu xusayey sanadguuradii 59aad ee kasoo wareegtay aas-aaska Ciidanka Cirka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay Gudaha Xerada Ciidamada Cirka ee Afaziyooni.

Waxaa Munaasabadaasi ka qeyb galay Wasiir Dawlaha Wasaaradda gaashandhigga Xukuumada Federalka Soomaaliya,Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya, qaar kamid ah Taliyeyaashii hore ee CXDS, Saraakiil ka Socotay Ciidanka Turkiga iyo marti sharaf kale.

Taliyaha Ciidanka Cirka ee Xoogga Dalka Soomaaliya General Maxamuud Sheikh Cali oo ka hadlay Munaasabadda ayaa ka sheekeeyey Waxqabadka iyo Taariikhda Ciidamada Cirka ee Xoogga Dalka Soomaaliya iyo sidoo kale Qorsheyaasha Horumarineed ee ay hiigsanayaan.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe ayaa waxa uu sheegay in meel wanaagsan uu marayo dhismaha iyo qalabeynta Ciidanka Cirka, si loo soo celiyo Heybadii Ciidanka Cirka Soomaaliya.

Wasiir Dawlaha Wasaaradda Gaashandhigga Xukuumada Federaalka Soomaaliya  Mudane Maxamed cali Xagaa  ayaa sheegay in wasaaradda gaashandhigga dadaal xooggan ay ku bixin doonto dhismaha iyo tayenta ciidanka Cirka.

Wasiir dawlaha gaashandhigga Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka ayaa Ubax dhigay taalo loogu talo galay in lagu xasuusto shuhadadii ka shahiiday Ciidanka Cirka  Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Laascaanood oo maanta lagu qabanayo munaasabada caleemo saarka madaxda Waqooyi bari

Waxa maanta magaalada laascaanood ee xarunta dowlad gobolleedka Waqooyi...

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshadda XFS oo kulan la qaatay wasiirka qoyska iyo adeegyada bulshadda ee dalka Turkiga

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya Mudane Prof....

Dowladda koonfurta Sudan oo si adag u taageertay ilaalinta midnimada Soomaaliya

Dowladda Jamhuuriyadda Suudaanta Koonfureed ayaa si rasmi ah u...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo laascaanood ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socda dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...