Muqdisho (SNTV)- Tababar ku saabsan Dambiyada abaabulan ee xiriirka la leh Safarada iyo dalxiiska oo ay soo qaban qaabisay Heyโadda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa uga furmay Heyโadaha ka howlgala Irdaha laga soo galo dalka.
Madaxa Maamulka socdaalka iyo Xuduudaha Heyโadda IOM iyo Xafiiska Sharciyada HSJ aya furay tababarkaan.
Tababarkaan ayaa waxaa waxaa kasoo qeyb galay Saraakiil ka socotay Heyโadda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya,Booliiska garoonka Aden Cadde, NISA, Qeybta Dambi baarista (CID), Boliiska Aduunka (Interpol), Midowga Wakiilada Duulimaadka iyo Dalxiiska (SATTA) iyo Gudigga Maamulka Diyaaradaha.
Tababarkaan oo socon doono muddo Seddex maalin ah ayaa waxaa lagu baran doonaa sida looga hortago dambiyada abaabulan iyo sida ay wada shaqeyn buuxda u dhexmari laheyd Heyโadaha ka howlgala Irdaha dalka laga soo galo una wadaagi lahaayeen Xogaha la xiriira Dambiyada abaabulan.







