Wasiirka Beeraha Soomaaliya oo kulan miro- dhal ah la yeeshay dhigiisa dalka Turkiga

Date:

Izmir (SNTV)- Wasiirka Beeraha iyo  Waraabka Soomaaliya Mudane Siciid Xuseen Ciid ayaa dalka Turkiga  gaar ahaan Magaalada Izmir kulan kula yeeshay  Wasiirka Beeraha iyo Cuntada dalkaasi Mudane Bekir Pakdemirli, waxeyna ka wada hadleen arrimo badan oo quseeya labada wasaaradood.

Kulanka oo yimid kadib marti qaad  uu Wasiirka Beeraha iyo Cuntada dalka Turkiga  u fidiyey  Wasiirka Beeraha Soomaaliya Mudane Siciid Xuseen Ciid ayaa diiradda lagu saaray  iskaashiga labada dal ee dhinacyada wax soosaarka beeraha, iyo dardar galinta heshiisyo iskaashi oo ay labada Wasaaradood horey u galeen,  Wasiir Ciid ayaana dhigiisa dalka Turkiga ka dalbaday in si dhaqso ah loo hirgeliyo  mashruuca biyo xireenka  magaladda Jowhar iyo dib u dhiska kaabayaasha beeraha oo ay labada dowladood horey ugu heshiiyeyn iyadoo arintaasna uu aqbalay wasiirka beeraha ee dalka Turkiga oo ballan qaaday in qorshahaasi si dhaqso ah loo fulin doono.

Kulanka labada wasiir ayaa intii uu socday waxaa sidoo kale la isku afgartay  in xaruumaha cilmi baarista iyo fidinta beeraha dalka Turkiga lagu tababaro shaqaalaha wasaaradda iyo  qeybaha kala duwan ee beeraleyda  Soomaaliyeed iyo in la dhiso guddi farsamo oo labada Wasaaradood ka kala tirsan  kana kooban 10 qof.

Ugu dambeyn labada Wasiir  ayaa kawada qaybgalay  bandhigga Beeraha caalamiga ah ee 14-aad oo lagu qabtay magaalada Izmir,  iyadoo ay kasoo qaybgaleen in kabadan Toban wasiir oo ka kala socday dalal kala duwan  , wakiilo ka socday ururada caalamiga ah iyo wufuud heer sare ah oo madasha lagu casumay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Abshirow oo shir Guddoomiyay Kulanka guddiga joogtada ah.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Madaxweynaha JFS oo magacaabay lataliyaha Sare ee Siyaasadda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud,...

Wasaaradda Haweenka oo Xustay 10 sano guurradii heshiiska Xuquuqda Carruurta ee QM.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay heshiisyo lala galay dowladdo..

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii...