Wasaarada Gaadiidka XFS oo dhaqangelinaysa shuruucda badqabka gaadiidka & nabad gelyada waddooyinka

Date:

Muqdisho (SNTV):- Kulankani oo ujeedkiisu ahaa dhaqan gelinta mashruuca tijaabada badqabka gaadiidka iyo nabad gelyada waddooyinka oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiinta wasaaradda,xubno ka socda maamulka gobolka Banaadir, saraakiil ka kala socotay taliska tarafikada,CID,iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee hay’adaha ka shaqeeya arrimaha gaadiidka iyo ganacsatada.

Agaasimaha waaxda Diwaangelinta Gaadiidka Rayidka ee wasaaradda Fisha gaadiidka Hibaaq Saalax Cumar ayaa sharaxday sharciyada muhiimka ah oo ay tahay in la dhaqan geliyo.

“ Shurudaha gaadiidka laga rabo,tijaabada badqabka Gaadiidka in uu ka gudbo kow,Bareega Gaadiidka dhammaan taageerada Bareega waa inuu u qabtaa si isku mid ah,faroodooyinka horey iyo gadaal waa in Hilibkoodii uu joogo,Bareega A, B iyo C wuxuu u kala saarayaa qeybaha guud ahaan laga rabo in uu ka wanagsanaado,qeybta labaad gaarigu waa in uu ka wanagsanaado Taayeerada Gaadiidka waa in ay yihiin kuwo siman oo aan kala gaabnayn”. Ayay Tiri agaasime Hibaaq.

Dhammaan xubnihii kala duwanaa ee halkaais ka hadlay ayaa sheegay in muhiim ay tahay in laga wada shaqeeyo nabad gelyada wadooyinka.

Awesy Macalin Yarow taliyah qeybta nabad gelyada wadooyinka gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay xoojin doonaan dowrkooda kaga aadan dhaqan gelinta shuruucda nabad gelyada iyo badqabka gaadiidka.

Cali Gacal Gaabow Agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa siweyn uga hadlay sharciyadan ay tahay in la dhaqan geliyo si loo ilaaliyo badqabka gaadiidka iyo nabad geliyada wadooyinka..

Haddii aan wada shaqeyn oo boolisku uusan shaqeyn, gobolka uusan shaqeyn,daladda gaadiidka aanay shaqeynin ama ganacsatada gaadiidka, magaari karno minimum standar,waxaa aan rabno marka waxaa waaye in gudiga gaadiidka Xamuulka ah in ay wacyigashan yihiin oo ay shaqeeeyaan,baabuurka Dekedda galaya waa in uu yahay minimum Standar”. Ayuu yiri agaasime Cali Gacal.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo hawlgal qorshaysan ku dishay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA oo...

Xukunka Askari: Maxaad iisoo Fiirisay Darteed ayuu u dilay Muwaadin Muruqmaal ahaa

Dable Booliis Bakar Cabdicasiis Maxamed oo ka tirsan Ciidanka...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhigay dhismaha wado cusub

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo dhagax dhigay Ceelal biyood laga hirgelinayo Gobolka Bakool

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...