War-murtiyeed: Kulan Hawleedka Saddex-Geesoodka ah ee Hayโ€™adaha Dastuurka oo soo xirmay

Date:

Muqdisho (SNTV)-Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shir wadajir ah oo afar maalin ay lahaayeen seddexda hayโ€™ad ee u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka.

Raโ€™iisulwasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Kheeyre oo shirka soo xiray ayaa boGgaadiyay waxqabadka muuqda ee ay sameeyeen seddexda hayโ€™ad, waxa uuna sheegay in xukuumadda ay ku garab taagantahay hayโ€™adaha sidii loo dhameSAytiri lahaa Dastuurka.

Sidoo kale waxaa dhankooda xiritaanka shirka ka hadlay Wasiir Cabdi Xoosh, Gudoomiye Cabdiqaybdiid iyo Gudoomiye Maxamed Daahir Afrax iyagoo si wadajir ah u ballanqaaday in hayโ€™adaha ay si labalaabi doonaan howlahooda korna u sii qaadi doonaan wadashaqeynta ka dhaxeeysa.

La-taliyaha Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee arrimaha Warfaafinta iyo Xiriirka, Cabdicasiis Cabdi Xaaji Gobdoon ayaa warbaahinta u akhriyay War-murtiyeedka ka soo baxay shirka oo u qornaa sida tan:-

WAR-MURTIYEED:-

Kulan wadajir ah oo ay isugu yimaadeen saddexda Hayโ€™adood ee u xilsaaran Arrimaha Dib-u- eegista Dastuurka oo kala ah Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga la Socodka Dib -u- Eegisda iyo Hirgelinta Dastuurka iyo Guddiga Madaxabannaan ee dib -u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka 4 โ€“ 7 Febraayo 2019, ayaa lagu qiimeeyay howlihii la soo qabtay iyo caqabadihii lala kulmay sanadkii 2018 iyo sii ambaqaadka sanadka 2019.

Kulanka waxaa kasoo qayb galay hayโ€™adaha dastuurka ee kala ah Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga lasocodka Dib-ueegista iyo Hirgalinta Dastuurka, Guddiga Madaxa-banaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgalinta Dastuurka ayadoo ay goob joog ka ahaayeen Hayโ€™adaha caalamiga ee UNSOM, UNDP iyo Max Planck.

Saddexda hayโ€™adood ee Dastuurka markii ay si qoto-dheer dibโ€“u โ€“eegis ugu sameeyeen tubta geedi socodka dib -u -eegista Dastuurka isla markaana qodob-qodob loo dul istaagay qorshahaas, waxaa la isla qiray in horumar weyn laga gaaray fulinta tubta geedi socodka dastuurka; waxaase soo baxay caqabado dhowr ah oo isugu jira kuwo la xiriirra qaab-dhismeedka, kuwo siyaasadeed iyo kuwo dhaqaale.

Caqabadaha saameeyay habsami usocodka dib-u-eegista dastuurka 2018 waxaa ka mid ahaa:

Khilaafaadka siyaasaadeed ee u dhexeeyey Dowladda Federalka Soomaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah DFS, walaac laga muujiyay hayโ€™ado aan dastuuri ahayn oo faraha kula jiray dib-ueegista Dastuurka, ergadii mataleysay Dawlad Goboleedyada kuna biiri lahaa Guddiga Madaxabannaan oo aan wali la dhamaystirin, isbarbar yaac ka jiray arrimaha wacyigelinta dadweynaha ee dib-u-eegista Dastuurka, iska warqab laโ€™aan ka jirtay hayโ€™adaha taagera geedisocodka dib-u-eegista dastuurka iyo miisaaniyaddii loo qoondeeyey dib-u-eegista dastuurka ee 2018 oo aan sidii loo qorsheeyey loo helin iyo qoondadii 2019 ee hayโ€™adaha dastuurku ay gudbiyeen oo aan la tixgalinin.

Hadaba, hayโ€™aduhu waxay soo jeedinayaan in la qaado tallaabooyinka soo socda si loo xalliyo caqabadahaas:

1- In laga fogaado khilaafka siyaasadeed ee dhaawici kara geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka lana dadajiyo Arrimaha u baahan wada xaajoodka siyaasadeed, sida qodobada 54aad iyo 122aad, wada hadalka Soomaaliland IWM ah.

2- Geeddi-socodka Dib-u-eegista dastuurka waa inay hogaamiyaan seddexda hayโ€™adood ee heer Federaal ee loo igmaday.

3-In Wasaaradda Arrimaha Dastuurku ay ku soo dhameystirto sida ugu dhakhsaha badan ergadii ku matali lahayd Dowlad Goboleedyada Guddiga Madaxa-banaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgalinta Dastuurka.

4-Waxaa lagu heshiiyey in arrimaha wacyigelinta si wadajir ah looga hawl galo ayadoo la raacayo Qorshe-Hawleedka Geeddi Socodka Dib-u-Eegista Dastuurka.

6-Wasaaradda Arrimaha Dastuurku waa in ay u hawl gashaa sidii la isugu keeni lahaa dhammaan hayโ€™adaha caalamiga ee taageera dib-u-eegista dastuurka si loo looga yeesho aragti midaysan taageerada hawlaha geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka.

7-In Wasaaradda Maaliyadda ee XFS ay bixiso miisaaniyaddii loo qoondeeyey Dib-uEegista Dastuurka 2019, islamarkaana dib-u-eegista miisaaniyada xiliga dhexe ee 2019 qoondo ku filan loogu daro hayโ€™adaha loo igmaday dib-u-eegista dastuurka.

8-Waxaa la goโ€™aamiyay in la bilaabo latashiyada iyo wacyigalinta dadwaynaha cutubyada dib-u-eegista lagu sameeyay laga bilaabo bisha Maarso 2019.

9-Waxaa la isla gartay in ladadajiyo dhamaystirka dib-u-eegista dastuurka cutubyada ka harsan.

10-Waxaa lagu boorinayaa dhamaan hayโ€™adaha qaran ee ay quseeyso shuruucda iyo hayโ€™adaha hortabinta u leh dib-u-eegista dastuurka inay soo dhamaystiraan shuruucda iyo dhismaha hayโ€™adaha looga baahanyahay.1

1-Waxaa lagu balamay in kulanka xiga ee qiimaynta dib-u-eegista dastuurka ee hayโ€™adaha dastuurka inuu qabsoomo 1da Juun 2019.

Gabagabadii, hayโ€™adaha dib-u-eegista dastuurka waxay ugu bishaaraynayaan ummadda Soomaaliyeed in geedi socodka dib-u-eegista dastuurka laga gaaray horumar wayn lana dhamaystiri doono inta dhiman sida ugu dhaqsiiyaha badan. Kulanka waxaa soo xiray Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale