Jaaliyadda Puntland ee Ohio oo Taageeray Maamulka Cusub ee Madaxweyne Deni

Date:

Columbus (SNTV):- Xaflad si weyn loo soo abaabulay oo ay ka soo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay magaalada Columbus Ohio ee dalka Mareynkanka.

Xafladan oo ay soo abaabuleen Jaaliyadda Puntland ohio waxaa lagu taageerayay isbadalka Maamulka Puntland iyo doorashadii dhawaan ka dhacday halkaasi.

Mudadii ay xafladu socotay qadka Teleefonka waxaa uga soo qeyb qalay madaxweynaha Puntland  Siciid Cabdilahi Dani oo qurba joogta Puntalnd ku ammaanay doorkooda dhaqaale iyo siyaasadeed oo sida uu sheegay aan la xaqiri karin,

Waxa uu madaxweynuhu ugu baaqay qurba joogta Soomaaliyeed gobol walba oo ay ka soo jeedaan in laga qeyb qaato sidii Soomaaliya markale u noqon lahayd dowlad xooggan iyo in lala shaqeeyo maamulada dalka ka jira iyada oo la siinayo talooyin wax ku ool ah.

Mas”uuliyiintii ka hadlay xaflada oo aad u badnaa ayaa diirada saaray sida loogu baahan yahay in la taageero isbadal walba oo dalka horumar u horseedi kara,isla markaana laga shaqeeyo sidii is faham iyo is dhexgal bulsho loogu samayn lahaa shacabka Goboladda.

Madaxweyne Dani ayay ku ammaaneen doorkiisa bilowgaa ee dhex dhexaadinta Madaxda dowladda iyo maamulada dalka ka jira, iyaga oo ku booriyay in uu ku sii dhiirado taabo galinta howlaha Nabadda.

Waxaa xaflada dhankooda qeyb ka ahaa Fanaaniin Soomaaliyeed oo dadka madadaalinayay iyo dhalinyaro soo bandhigtay ciyaaraha dhaqanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Boliiska oo xariga ka jaray Dhismaha Dugsiga Qur’aanka Kariimka ee Gabdhaha Agoonta Boliiska

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...

Qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada oo kormeer ku tagay goobaha laga qaadanayo kaarka codbixinta

Qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Amniga Gudaha oo Hey’adda UNDP kala wareegay gaadiid loogu talagalay hay’adaha amniga

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo shacabka Caasimadda ugu baaqay inay qaataan kaarka codbixinta

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Xasan...