Maxkamad ku taalla Kenya oo sii deysay Saddex Qof oo loo haystay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab

Date:

Nairobi-(SNTV)-Maxkamad ku taalla Magaalada Nyeri, ee Dalka Kenya ayaa sii deysay Saddex Qof oo loo heystay in ay ka tirsanaayeen kooxdii weerarka ka geysatay dhismaha Dusit D2 Nairobi, bartamihii Bishii hore.

Abdul Kibiringi, James Mwai Mwangi iyo Habiba Geeddi Hunshur, ayaa Maanta oo Jimca ah xorriyooda dib u helay, markii ay Maxkamaddu sheegtay in ay laamaha ammaanku baaritaan ka dib ku waayeen dembiyadii lagu soo eedeeyay.

Maxkamadda ayaa caddeysay in qeybta Boliiska u qaabbilsan la dagaallanka argagixisadu ay xireen Gal-dacwadeedkii ka yiillay Dadka la fasaxay, laguna waayay tuhunkii ku aaddanaa in ay wax ka ogaayeen weerarkii ay Al-Shabaab ka geysatay Nairobi.

Kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa 15-kii January ee Sanadkan weerar ku qaadday dhismaha Dusit D2, ee Magaalada Nairobi, halkaas oo ay ku dhinteen inta la ogyahay 21 Qof.

Isha/ Daily Nation

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...