Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona Kuwait oo noqol kamid ah Waraaqihiisa aqoonsiga u gudbiyey Ra’iisul wasaare ku xiggeenka dalkaasi “Sawirro”

Date:

Kuwait (SNTV)- Safiirka cusub Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhin doona dalka Kuwait Danjire Cabdullaahi Odowaa ayaa Nuqul kamid ah Waraaqaha aqoonsiga Safiirnimmo u gudbiyey Ku-xiggeenka Ra’iisul wasaaraha Dawladda Kuwait ahna Wasiirka arrimaha dibada ee dalkaasi, waxaana kulan ay ku yeesheen xarunta wasaaradda arrimaha dibada.

Kulanka Safiirka cusub Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhin doona dalka Kuwait uu la yeeshay Ku-xiggeenka Ra’iisul wasaaraha Dawladda Kuwait ahna Wasiirka arrimaha dibada ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka ku-xiggeenka Wasaaradda arrimaha dibada, Kaaliyaha arrimaha Maamuuska ee Wasaaradda arrimaha dibada Kuwait, Kaaliyaha Wasiirka arrimaha Dibada, Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee Kuwait iyo Madax kale.

Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona Kuwait ayaa madaxda dalkaasi ee uu la kulamay waxa uu kala hadlay Xoojinta xiriirka Taariikhiga ah ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kuwait iyo siddii loo sii dardar gelin lahaa iskaashiga labada dal.

Danjire Cabdullaahi Odowaa Safiirka cusub Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhin doona dalka Kuwait ayaa sheegay in Dawladda Kuwait ay boggaadisay Horumarka iyo dib usoo kabashada Soomaaliya, ayna diyaar u yihiin in ay garab istaagaan Dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn Danjire Cabdullaahi Odowaa ayaa xusay in Madaxda Dawladda Kuwait ee kulanka uu la yeeshay ay u rajeeyeen in uu ku guuleysto Masuuliyada culus ee loo dhiibay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Algiers kulan miradhal...

Safiirka Soomaaliya ee Tanzania oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Congo

Safiirka Soomaaliya ee Tanzania, Danjire Ilyaas Cali Xasan, ahna...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee JFS oo gaaray magaalada gaaray Magaaladda Kampala.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Guddoomiye kuxiyeenka labaad ee Golaha Shacabka oo shir Guddoomiyay Kulanka guddiga joogtada. 

Guddoomiye kuxiyeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...