Maxkamadda Wajeer Kenya oo xukuntay Rag looga shakisan yahay Al-Shabaab

Date:

Wajeer-Kenya-(SNTV)-Maxkamad ku taalla Magaalada Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari Dalka Kenya, ayaa min 15 Sano oo Xabsi ah ku ridday Saddex Nin oo ku eedeysan in ay xiriir la leeyihiin Ururka Al-Shabaab.

Mbarouk Ali Adibu oo 34 jir ah, Idarous Abdirahman oo 32 jir ah iyo Islahi Juma, oo 22 jir ah, ayaa dhammaantood ka soo jeeda Dalka Tansaaniya, waxaana lagu helay agabka ay kooxaha argagixisada u adeegsadaan qaraxyada, sida uu sheegay Garsooraha Maxkamadda, Amos Makoros.

Raggan oo ay laamaha ammaanku qabteen Sanad ka hor , xili ay qorsheynayeen in ay ka tallaabaan xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya, ayaa dib loo dhigay xukunkooda October 19, 2018, markii la waayay xog dhammeystiran oo ku aaddan dembiga lala xiriirinayo.

Maxkamadda Magaalada Wajeer ee Waqooyi bari Kenya , ayaa qabatay in ka badan 50 Kiis oo la xiriira Dacwadaha ka dhanka ah Dadka la tuhmayo in ay Gacan-saar dhow la leeyihiin Kooxaha argagixisada.

Isha/Agencies

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Komoros

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar...

Shirka dib-u-eegista wadashaqeynta Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka furmay Addis Ababa

Shirka dib-u-eegista dhexe ee Guddiga Farsamo ee wasaaradaha Soomaaliya...

Wasiir Fiqi oo ka qeyb-galay  munaasabadda xil-wareejinta Taliyaha cusub ee EUTM    

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Masuuliyiin bogaadiyeen Ololaha Is-diiwaangalinta doorashooyinka oo ka socda Muqdisho 

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali...