Wasaaradda Caafimaadka XFS oo ka hadashey taariikhda Dr Professor Dr. Saalax Cabdalla Cumar

Date:

Muqdisho (SNTV) Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda FEderaalka Soomaaliya Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa ka tacsiyadeysay geerida Professor Dr. Saalax Cabdalla Cumar oo ku geriyooday magaalada Muqdisho.

Qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska wasiirka Caafimaadka ayaa lagu faah faahiyay si kooban qaar kamid ah waxqabadkiisa iyo taariikhdiisa.

Innaa Lillaahi waa Innaa ILeehiRaajicuun, Waxaan Umadda Soomaaliyeed la wadaagayaa Geerida naxdinta leh ee ku timid  Professor Dr. Salah Abdalla Omar oo kugeeriyooday Muqdishu oo kamid ahaa Takhaatiirtii tiirarka u ahay daassiddiiiyo dhaqangelintii caafimaadka hooyada iyo dhallaanka Somaaliyeed.

Waxqabadka.-Professor Dr. Saalax Cabdalla Cumar.

Wuxuu waxbarasho heer takhasus ah ku soo qaatay dalka gudahiisa iyo dalal kala duwan ee Dibadda sida USA,Talyaaniga, Wadamada carabta,isagoo ku takhasusay Cudurada Haweenka iyo Dhalmada, oo u ku shaqeynayey in ka badan 38 Sano.

Wuxuu ka soo shaqeeyey dhammaan Gobollada Dalka iyo wadamo Dibadda ah.

Wuxuu ahaaTakhtar ku caanbaxay Samafalka gaar ahaan wax u qabashada iyo Daryeelka Haweenka iyo qoysaska danyarta ah, asagoo maalinkasta oo Arbaca ah ku sameyn jiray Isbitaalka Banadir Qalliimo lacag La’aan ah.

Burburkii kadib wuxuu wax qabadkiisu u badnaa Xeryaha Barakacayaasha iyo Xaafadaha iskuraranka ah ee Magaalada Muqdisho hareeraheeda kuyaalla.

Wuxuu Gobollada kala duwan ee dalka u aadijiray olole Daryeeleela xiriira Caafimaadka haweenka Xaaladooda Adagtahay iyo kuwa danyarta ah.

Wuxuu Bare sare ka ahaa Kulliyadaha caafimaadka ee Jaamacadaha kala duwan ee dalka,asagoo ka dhigijiray maadooyinka dhalmada iyo Cudurada haweenka

Wuxuu ahaa khabiir ku caanbaxay Qaliimada Cudurada haweenka soonasaarayTakhaatiir badan oo aqoon u leh Takhasuskaas.

Wuxuu ka mid ahaa barayaasha sare ee Wasaaradda Caafimaadka u qaabilsan Tababarka xaaladaha deg-deggaah ee dhalmada, wuxuuna wax ka dejiyey Manhajka Tababarka Takhasuska eeTakhaatiirta da’dayarta ah ee la tacaalidda xaaladaha degdegga ah ee dhalmada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Kormeer ku tagay mid ka mid ah Xarumaha laga bixiyo Kaarka aqoonsiga Qaranka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Howlgal lagu dilay xubno katitsan khawaarijta oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

WAR SAXAAFADEED Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo...

Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga Qaranka oo ka hadlay tabashada muwaadiniinta Soomaaliyeed

Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga Qaranka ee Soomaaliya Cabdiwali Timacadda, ayaa...

Masar oo xaqiijisay taageerada howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Socdaalka ee Masar, Dr. Badr...