Wasiirka waxbarashada XFS oo Garoowe uga qeyb galay Bandhigga Todobaadka Hiddaha Dhaqanka iyo Aqoonta ee Jaamacadda Boosaaso

Date:

GAROOWE  (SNTV) Wasiirka waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Bare ayaa magaaladda Garoowe uga qeyb galay munaasabadda bandhigga Todobaadka Hiddaha, Dhaqanka iyo Aqoonta Jaamacadda Boosaaso, Faraceeda Garowe.

Munaasabadda ayaa waxaa job jog ka ahaa madax ka tirsan maamulka puntland odayaal dhaqameed iyo marti sharafkale oo lagu casumay.

Wasiirka Waxbarashada XFS,Mudane Cabdullaahi Goodax bare ayaa soo dhaweeyay horamarinta bandhigga Todobaadka Hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed ee lagu qabtay Jaamacadda Boosaaso,

Waxaan   magaaladda Garoowe  uga qeyb galay munaasabadda bandhigga Todobaadka Hiddaha, Dhaqanka iyo Aqoonta Jaamacadda Boosaaso, Faraceeda Garowe.

Wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya markasta waxaa ka go’an in ay kaalin mugleh ka qaadato soo celinta Hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed kaas oo micno weyn ugu fadhiya  bulshada Soomaaliyeed.

Waxaan si gaar u mahad celinayaa intii ka qeyb qaadatay qabsoomidda munaasabadda bandhigga Todobaadka Hiddaha iyo dhaqanka oo ugu horeyo wasiirka waxbarashada Puntland Abshir, Aw-Yuusuf iyo Nabadoon  Ciise Maxamed.

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Faderaalka  Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Bare ayaa tilmaamay in Wasaaradda waxbarashada ay ka go,antahay soo celinta Hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Urrur siyaasadeedka JSP oo daah furay ololaha Musharaxa Duqa Muqdisho.

Ururka Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa si heer...

Ololaha urrurada siyaasada ee doorashada deegaanka oo ka bilaabmay Muqdisho.

Shacabka magaalada Muqdisho iyo ururrada siyaasadeed ee diiwaangashan ayaa...

Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Norway oo Oslo ku qabtay kulan sanadle ah.

Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee dalka Norway ayaa magaalada Oslo...

Soomaaliya oo ka qeybgashay Shirweynaha 7aad ee Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Adduunka  

Shirweynaha toddobaad ee Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Adduunka ayaa si rasmi...