Guddoonka Baarlamaanka Puntland oo soo dhaweyn u sameeyey wafuuda baarlamaanada Garowe ku sugan

Date:

Garowe (SNTV) Guddoomiyaha golaha wakiilada baarlamaanka puntland ayaa magaalada Garoowe munaasibad soo dhoweyn ah ugu sameeyay golayaasha Baarlamaanada  heer Fedraal iyo heer dowlad goboleed.
Waxaa kulanka so dhaweynta diiradd alagu saaray arrimo ay kamidka yihiin muhiimadda ay leedahay wadashaqeyn dhex martay baarlamaanada Heer Federaal iyo heer dowlada goboleed,si loo horumariyo danaha umadda Soomaaliyeed.
Ugu horeyn waxaa munaasibada ka hadlay guddoomiyaha golaha wakiilada baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland C,xakiin Maxamed Axmed waxaana uu sheegay in uu soo dhawaynayo hay,adaha wafuuda baarlamaanada ka kala socotay Dowladda SOomaaliya iyo dowlad Goboleedyada.
Xareed Cali Xareed guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Galmudug iyo guddoomiyaha baarlamaanka Dowlad goboleedka Hir.shabeele Sheekh Cusmaan Barre ayaa madaxda baarlamaanka Puntland iyo shacabka uga mahadceliyay soo dhoweyntii ay reer Puntland u sameeyeen wufuudii Garoowe soo gaartay.
Mudane Mahad Cabdalla Cawad guddoomiye ku xigeenka 2aad Golaha Shacabka BFS ayaa sheegay in Garoowe ay Tahay meel nabad ah dalxiisyadii loo tagi jiray Nairobi iyo Yuganda lagu badalo.
Munaasibada waxaa soo xeray Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare BFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi waxa uu Sheegay in munaasibadan ay tahay mid loo baahnaa uuna u mahadcelinayo madaxda baarlamaanka Puntland .

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka NISA oo howlgal guuleystay ka fuliyay Hiiraan

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya...

Safiirka Soomaaliya ee Tanzania iyo EAC oo laga guddoomay waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ee dalka DRC Congo

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Tanzania iyo EAC Mudane...

Wasaaradda Ganacsiga oo bogaadisay tallaabada uu Golaha Shacabka ku ansixiyay heshiiska Aagga Ganacsiga Xorta ah

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha...

Soomaaliya iyo FAO oo ka wada hadlay sidii laysaga kaashan lahaa mashaariicda mustaqbalka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha...