Wasaaradda Cadaaladda oo tababar u furtay Haween ka kala socday degmooyinka gobolka Banaadir

Date:

Muqdisho (SNTV) Tababarkaan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa loo qabtay Haween ka kala socday Degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana lagu baranayay qaabka haweenku ku heli karaan Cadaalad iyo xalinta khilaafaadka.

Ilaa 30 haween ah ayaa ka qayb galaya Tababarkaan oo uu maanta furay Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana uu socon doonaa 4 maalin, iyadoo maalmaha uu socdo laga doodi doono helida Cadaalada ee haweenka Soomaaliyeed iyo in xarumaha xalinta khilaafaadka habka dadban haweenku door ka qaataan.

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa si faah faahsan uga hadlay muhiimada tababarka iyo halka ay mareyso howsha ka socota xarumaha xalinta Khilaafka habka dadban ee wasaaradu ka furtay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir.

“Haweenku waxaa ay door muuqda ka qaataan hormarka iyo is dhex -galka bulshada, waxaa ay muhiim u yihiin bulshada in cadaalad ay helaan waa muhiim, waxaa ay nagu dhalisay inaan qabano tababarkaan soconaya afarta maalin ee helida cadaaladda, waxaan idinka rajeynayaa in bulshada aad dib ugu celisaan cilmiga halkaan ka barataan una sheegtaan inay jiraan xarumo lagu xaliyo khilaafaadka oo furan”ayuu yiri Wasiir Xasan.

Wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka dalka ayaa waxaa ay dhawaanahaanba dadaal ugu jirtay sidii loo daadajin lahaa hanaanka cadaaladda dalka, islamarkaana waxaa ay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir wasaaraddu ka hirgalisay xarumo hab dadban ama xeer beegti lagu xaliyo khilaafaadka bulshada, taasoo hadda wasaaraddu sheegtay in hormar ay sameeynayaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.

Muqdisho, Khamiis, 18 Diseembar 2025:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka...

Ciidanka Danab iyo MU oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Hoose.

Ururka 161-aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab oo kaashanaya cutubka...

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Waxqabadka Sannadka 2025.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...