Madax ka socday Hay’adda MSF oo Muqdisho kula kulmay masuuliyiinta Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya

Date:

Muqdisho (SNTV) Xoghayaha joogtada ah ee  Wasaaradda Qorsheynta iyo Agaasimeyaasha waaxyaha kulan la qaateen Madaxa Hay’adaha MSF ee Soomaaliya.

Kulanka oo socday mudo sadax saacadooda ah  ayaa waxaa looga hadlay howlaha Hay’ada dhaqaatiirta aan xaduuda lehyn (MSF) Soomaaliya ay ka wado,  hanaanka ay u socdaan Mashaariicdan dhinaca caafimaadka, Iyada_oo kulanka ay  goobjoog ka ahaayen Madaxda Wasaaradda iyo Masuuliyiinta Hay’ada MSF.

Xoghayaha joogtada ah ee Wasaarada Qorsheynta,Maalgshiga iyo Horuamrinta Dhaqalaha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Aadan Maxamed  ayaa ku bogaadiyay hay’ada Dhaqaatiirta aan xuduuda lahayn ee (MSF)  howlaha ay ka wadaan dalkeena in dib u bilaabaan tan iyo sanadkii 2013 ka dib.

“Waxaan marka hore soo dhaweynaa in howlahii hay’adan ay ka waday Soomaaliya in dib ay u bilaawdo ka dib markii ay hay’dan ay hakisay sanadkii 2013 shaqadii dalka ka waday sababla xariira in shaqaalaheeda dhibaato la kulmeen, waxaan hada ay bilaaben shaqada ay ka wadaan dalka inagoo taooyin ka siinay qaabka dalkeena xiligan u howlgalayo in ay dar dargailyaan shaqadooda ayuu yari Xoghayaha.

Sidoo kale Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Qorsheynta ayaa sheegay in ay  ka wada haldleen Istaaraatijiyada  2019 ee hay’adan ay uga howlgaleyso qorshaheeda Soomaaliya iyo sidii looga saleyn lahaa baahiyaha caafimaad ay wadaan kuwa ahmiyd u leh shacabka Soomaaliyeed.

“waxaan isla garanay in ay noo soo gudbiyaan istaraatijiyada sanadka 2019 shaqooyinka dhinaca caafimaadka dalkeena iyadoo qorshahooda u gudbin doonan Wasaaradda Caadimaadka dalka, Sidoo kale waxaan isla garanay in dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee dalka u dhashay in ay siiyaan Tababaro la xariira howlaha Cafimaad sida qaliinka iyo cudurada guud  in ay ku howlgalaan ayuu yari Xoghayaha Joogta ah ee Wasaaradda.

Madaxa Hay’ada Dhaqaatiirta aan Xaduuda Lahayn ee MSF ayaa soo dhaweeyay hanaanka ay u socdaan geedi socodka shaqooyinka Soomaaliya ee dhinaca samafalka ah, taalabo wanaagsan  ku tilmaamay sida ay ula xisaabtameyso  Wasaaradda Qorsheynta Hay’adaha gar gaarka isla amrkaana la ogaanayo shaqooyinka ay ka wadaan Soomaaliya.

Kulanka oo ka dhacay  xarunta Wasaaradda Qorsheynta ayaa tilmaamo ka baxinayo dadaalaada kala duwan ee Wasaaradda ay  wado ee muga leh ee  dhinaca la xisaabtanka hay’adaha  iyo ka warqabka hay’adaha ka howlgala dalkeena si loo ogaado shaqooyinka dalka ay ka wadan isla amrkaana shaqooyinkaasi lagu saleeyo baahiyaha umadda Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Shir-guddoomiyay Kulanka Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige,...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa ku qaabilay guddoomiyaha Golaha Wakiillada Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Soomaaliya oo ka qeybgashay Meertada 8-aad ee Shirweynaha Biyaha Qaahira

Qaahira, Masar, 17-ka Oktoobar 2025: Iyada oo lagu guda...

From Poverty to Prosperity: A Shared Commitment to Jobs, Equity and Resilience for Somalia

By H.E. Bihi Iman Egeh, Minister of Finance, Federal...