Saraakiisha ammaanka degmada Afgooye oo faah faahin ka bixiyay howlgalo amni sugid ah oo halkaasi ka socda

Date:

Afgoye (SNTV) Degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose iyo deegaanada hoostaga waxaa ka soconaya howlgalo lagu xaqiijinayo amniga guud ee degmada iyo deegaanada hoostaga,si looga hortaga falalka guracan ee koxda Alshabaab.

Taliyaha Saldhigga Degmada Afgooye C/qaadir Warsame oo lahadlay Wakaaladda SONNA ayaa sheegay in lagu guuleystay adkeynta amniga iyo ka hortaga dhagaro badan oo alshabaab ay u maleegayaan shacabka,wuxuuna xusay in isbedelo ballaraan oo dhanka amniga ah ay kajiraan degmadaasi.

Wuxuu taliyuhu ku ammaanay shacabka degmadaasi Afgooye sida ay ula shaqeynayaan laamaha ammaanka,taasi oo uu ku tilmaamaya in ay horseedey in sugida nabadgeliyada lagu guuleysto.

C/qaadir Warsame oo ka jawaabay su’aal ahayd weerarada ay geystaan mararka qaar koxda ALshabaab ayuu xusay in ciidanku ay heegan ugu jiraan sidii ay uga hortagi lahaayeen isku day kasta,isagoo xusay in la fashiliyay dhagaro badan oo ay u soo maleegayeen shacabka.

Degmada Afgooye waa goob Istraatiiji ah marka loo fiiriyo isku xirka Muqdisho iyo gobolada kale ee dhaca Koonfurta Soomaaliya,saraakiisha ammaanka ayaa ka codsaday bulshadu in ay xoojiyaan wadashaqeynta laamaha ammaanka,maadaama shacbku ay yihiin lafdhabarta horumarka amni hadii ay muujiyaan dowrkooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo markii ugu horreysay la wareegtay hoggaanka Golaha Ammaanka ee QM.

Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ula...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya.

Muqdisho, Arbaco, 31 Diseembar 2025: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta Israa’11l oo ka dhacay Baladweyne.

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa maanta martigelisay...

Madaxweynaha JFS oo shaaciyay in guul laga gaaray sahminta kheyraadka shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...