Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo la Kulmay Danjiraha Cusub ee Dowladda Masar

Date:

Muqdisho (SNTV) Duqa Muqdisho, ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eg.Yarisow) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Cusub ee dalka Masar ay u soo wakiishadeen Soomaaliya Mudane Maxamed Ibraahim.

Guddoomiyaha ayaa uga warbixiyey Safiirka horumarka ballaaran ee ka socda Gobolka Banaadir iyo sida shacabka Soomaaliyeed ay ugu hawllan yihiin dib u soo celinta dalkooda, gaar ahaan olalaha isxilqaan ee dib loogu dhisayo goobihii iyo adeegyadii ku burburay dagaalladii sokeeye.

Eng.Yarisow ayaa kala hadlay Danjire Ibraahim qorsheyaashii taariikhiga ah ee Dowladda Masar ay ku gacansiin jirtay Maamulka Gobolka Banaadir, gaar ahaan dhinaca waxbarashada oo ay kaalin weyn kku leeyihiin.

Sidoo kale, Guddoomiyaha iyo Safiirka ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay isku xirka dowladaha hoose ee Gobolka Banaadir iyo dalka Masar, gaar ahaan mataaneynta Muqdisho iyo Qaahira.

Safiirka dalka Masar ee Soomaaliya Mudane Maxamed Ibraahim ayaa uga mahadceliyey Maamulka Gobolka Banaadir soo dhaweynta wanaagsan iyo sida ay ugu garab taagan yihiin gudashada waajibaadka loo soo igmaday.

Safiirka cusub ee dalka Masar Mudane Mohamed Ibrahim Nasr waxaa booqashadiisa ku wehliyay Qunsulka Masar u fadhiya Soomaaliya Tamer  Safwat. El.mahdy.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka gaashaandhigga XFS oo xaqiijiyey hawgalo lagu dilay horjoogeyaal khatar badnaa

Wasiirka wasaaradda gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macalim...

Golaha Shacab BJFS oo ansixiyey hindise sharciyeedka daawada

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)

Dowladda Soomaaliya ayaa u mahadcelisay dalalka iyo hey;adaha caalamiga...

Ciidanka xoogga oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ayaa hawlgal ka fuliye Buula fuleey

Ciidamada gaarka ah ee Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed,...