𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐎𝐁𝐎𝐋𝐊𝐀 𝐁𝐀𝐍𝐀𝐀𝐃𝐈𝐑 𝐎𝐎 𝐒𝐇𝐈𝐑-𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐄𝐘 𝐊𝐔𝐋𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐀𝐌𝐍𝐈𝐆𝐀 𝐂𝐀𝐀𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃𝐃𝐀

Date:

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa caawa shir-guddoomiyey kulanka amniga caasimadda oo diiradda lagu saaray dardargelinta hawlaha lagu xaqiijinayo amniga caasimadda, xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo maamullada degmooyinka, ka hortagga falalka amni-darrada iyo burcadda abaabulan ee dhibaateeya xasilloonida shacabka.

Kulanka ayaa sidoo kale loogu hadlay adkeynta iyo hogaansamidda amarkii kasoo baxay Duqa Magaalada Muqdisho ee ahaa in la hakiyay dhammaan hawlaha fulinta, baneynta iyo jid-u-furista dhulka ee ka socday Magaalada Muqdisho, iyadoona shirka lagu adkeeyay sii joogteynta qorshayaasha wadajirka ah ee lagu xaqiijinayo amniga iyo difaaca shacabka ku nool caasimadda iyo deegaannada ku xeeran, si loo ilaaliyo koboca iyo horumarka Muqdisho.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa hoosta ka xarriiqay in sugidda amniga iyo xasilloonida Muqdisho ay laf-dhabar u tahay horumarka caasimadda iyo guud ahaan dalka, isaga oo faray mas’uuliyiinta iyo hay’adaha amniga in la sii laba-laabo dadaallada lagu ilaalinayo nabadda iyo badqabka bulshada.

Shirka waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Md. Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) Taliyaha qeybta Guud ee Booliska G/Banaadir G/sare Mahdi Cumar Muumin, Taliyaha Nabadsugidda G/Banaadir Korneel Liibaan Cabdiraxmaan Aadan, Taliyaha Ciidanka Booliisiya Milataariya Korneel Aadan Jeelle Faarax, guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo taliyeyaasha saldhigyada Booliska iyo Nabad-sugidda degmooyinka Gobolka Banaadir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...