Kenya”Waxaan dilnay 5 qof oo weerarka fuliyay, 2 kalena waa loo xiray”

Date:

Nairobi(SONNA) Tan iyo markii Alshabaab ay weerar ka geysteen Hotel Dysitd2 ee xaafadda Westland ee magaalada Nairobi Kenya talaadadii la soo dhaafay,waxaa dowladda Kenya laameheedi ammaanka ay ku raad joogeen sidii loo heli lahaa macluumaad sax ah oo ku saabsan khasaaraha halkaasi ka dhashey.

Ilaa 21 qof ayaa lagu soo waramaya in tirada dhimashadu ay gaartay sida ay warbaahinta u sheegen saraakiisha laamaha ammaanka dalkaasi Kenya.

waxaa la la’yahay  ilaa 19 qof sida lagu shegay warar ay baahinayaan warbaahinta caalamka oo soo xiganaya hadal ka soo baxay hjay’adda Laanqeyrta Cas ee Dalkaasi Kenya k ahowlgasha.

Kenya Joseph Boinnet oo ha taliyaha ciidanka booliska dalka Kenya ayaa u sheeegay wakaaladda Wararka Faransiiska AFP in ay toogasho ku dileen ilaa 5 qof oo ahaa ragii fuliyay weerarkii k adhacay Dusitd2 hotel ee magaaladaasi Nairobi.

Sidoo kale Waxaa ay xireen ciidamada ammaanka dalka Kenya labo qof oo loog ashakisan yahay in ay ku lug lahaayeen fulinta weerarkii talaadadii dhacay,kuwaasi oo laga soo qabtay xili ay ku sugnaayeen xarumohooda oo ay u dheceen ciidanka booliska.

Madaxweynaha dalkaasi Kenya Uhurru Kenyatta ayaa sheegay in weerarkaasi ay ku dhinteen 14 qof halka 700 kalena laga soo bad baadiyay,wuxuuna ku baaqay in lag ahortago falalkaasi argagixisanimada leh.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...