Kenya”Waxaan dilnay 5 qof oo weerarka fuliyay, 2 kalena waa loo xiray”

Date:

Nairobi(SONNA) Tan iyo markii Alshabaab ay weerar ka geysteen Hotel Dysitd2 ee xaafadda Westland ee magaalada Nairobi Kenya talaadadii la soo dhaafay,waxaa dowladda Kenya laameheedi ammaanka ay ku raad joogeen sidii loo heli lahaa macluumaad sax ah oo ku saabsan khasaaraha halkaasi ka dhashey.

Ilaa 21 qof ayaa lagu soo waramaya in tirada dhimashadu ay gaartay sida ay warbaahinta u sheegen saraakiisha laamaha ammaanka dalkaasi Kenya.

waxaa la la’yahay  ilaa 19 qof sida lagu shegay warar ay baahinayaan warbaahinta caalamka oo soo xiganaya hadal ka soo baxay hjay’adda Laanqeyrta Cas ee Dalkaasi Kenya k ahowlgasha.

Kenya Joseph Boinnet oo ha taliyaha ciidanka booliska dalka Kenya ayaa u sheeegay wakaaladda Wararka Faransiiska AFP in ay toogasho ku dileen ilaa 5 qof oo ahaa ragii fuliyay weerarkii k adhacay Dusitd2 hotel ee magaaladaasi Nairobi.

Sidoo kale Waxaa ay xireen ciidamada ammaanka dalka Kenya labo qof oo loog ashakisan yahay in ay ku lug lahaayeen fulinta weerarkii talaadadii dhacay,kuwaasi oo laga soo qabtay xili ay ku sugnaayeen xarumohooda oo ay u dheceen ciidanka booliska.

Madaxweynaha dalkaasi Kenya Uhurru Kenyatta ayaa sheegay in weerarkaasi ay ku dhinteen 14 qof halka 700 kalena laga soo bad baadiyay,wuxuuna ku baaqay in lag ahortago falalkaasi argagixisanimada leh.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Warfaafinta Hirshabeelle oo tacsi u diray Agaasimaha Guud ee Warfaafinta

Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, oo ay hormuud ka...

Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

Dowladda Shiinaha ayaa maanta oo Isniin ah ku biirtay...

Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka

In ka badan 21 dal iyo Ururo ah heer...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

Banaanbax ka dhan ah xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay...