Dowladda Federaalku oo xoojineysa wada shaqeynta ay la leedahay Dowlad Goboleedyada

Date:

Baydhabo-(SNTV)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb-galay munaasabad Xalay ka dhacday Madaxtooyada Koonfur Galbeed oo lagu caleema saaray Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane, Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay gacan ku siineyso maamulka Koonfur Galbeed arrimaha amniga, dib u heshiisiinta iyo baahinta adeegyada dadweynaha.

Madaxweyne, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey munaasabadda ayaa ugu horreyntii waxa uu uga tacsiyeeyey ummadda Soomaaliyeed geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Marxuum, Maxamuud Yuusuf Muuro, oo ahaa halgamaa ka tirsanaa Ururkii gobonnimo doonka ee SYL, Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay marxuumka inuu ahaa shakhsi u huray Naftiisa iyo waqtigiisa sidii Soomaaliya ay isaga tuuri lahayd heeryadii Gumeystaha.

Intaas keddib, Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyay Madaxweynaha la doortay ee Koonfur Galbeed masuuliyadda loo dhiibay, wuxuuna caddeeyay in Dowladda Federaalka ay diyaar u tahay in ay kala shaqayso Madaxweynaha cusub hawlaha muhiimka ah ee horyaalla maamulkiisa.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa xusay in xiriirka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyadu uu yahay mid ahmiyad weyn u leh daadajinta adeegyada bulshada, isaga oo intaas ku daray in Sanadkan cusub ay ka wada shaqeynayaan Dowladda Dhexe iyo maamul Goboleedyada sidii loo dar-dargelin lahaa hawlaha hortabinta u leh geeddi-socodka Dowladnimada Soomaaliya.

“Ummadda Soomaaliyeed waxay naga sugayaan inaan uga shaqeyno dantooda guud iyo inaan sharafkoodii u soo celinno. haddii aan intaas isla fahamno khilaafaad ma imaanayaan, waxaan rajaynayaa Sanadkan in Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada aysan Shacabka Soomaaliyeed marnaba ka maqlin in la is haysto.”ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

“Waxaan wada fahamsannahay annaga oo idil in shacabka Soomaaliyeed ay na wakiisheen oo ay leeyihiin Dowlanimadan iyo Qarankaba, annaguna aan u nahay adeegayaal ka shaqeeya maslaxooda iyo dantooda guud, sharafkooda iyo karaamadoodana aan soo celinno. Intaas haddii ay mabaadii’ noo tahay ma imaan karto khilaafaad iyo iska hor imaad.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Waxa uu intaas raaciyay Madaxweynahu in argagaxisada Al-shabaab ee caadeystay daadinta Dhiigga Shacabka Soomaaliyeed ay yihiin caqabadda ugu weyn ee ku hor gudban horumarka iyo barwaaqada, isaga oo muujiyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xoojineyso dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha nabad-diidka ah.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo , oo weli ku sugan Baydhabo ayaa kulamo gaar-gaar ah la yeeshay wufuudda ka socota Dowlad Goboleedyada, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulsho weynta reer Koonfur Galbeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Awqaafta oo kormeer ku tegay Hoteeladda Makka ee laga rarayo xujeyda Soomaaliyeed

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka Xukumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Hoggaanka Sare ee Wasaaradda Amniga Gudaha oo Dib-u-Eegis ku Sameeyay Waxqabadka Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil...

Horjooge katirsan khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka

Horjooge Cali Maxamed Coloow oo wata qori AK47 ah...