Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo la kulmay Saraakiil ka Socotay Midowga Yurub

Date:

Muqdisho (SNTV) Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S\gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay General Esa pulkkinen oo ah Madaxa EUTM u qaabilsan Arimaha Soomaaliya.

S\gaas Daahir Aadan Cilmi indhaqarshe Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in ujeedka uu u yimid general  Esa pulkkinen Soomaaliya ay tahay waxqabadka Midowga Yurub ee Soomaaliya ka wado inuu ogaado Maadama Mudo labo sano ah lagu kordhiyay howlgalka Midowga yurub ee Soomaaliya.

Taliyaha ayaa waxa ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa taageerada Midowga yurub ay siiso Ciidamada Soomaaliya.

Ugu dambeynti Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa u mahadceliyay tababarada Midowga yurub ay siiso Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo howla shaqo ku jooga dalka Pakistan oo booqday Hay’adda NDMA. 

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle...

Wasiirka Wasaaradda Teknoolojiyadda XFS oo ka qeyb galay shirka Golaha Wasiirrada Isgaarsiinta Carabta.

Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa martigelisay shir heer...

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka qayb galay Shirka Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare ee Qaaradda Afrika.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Jarmalka oo booqasho ku yimid Soomaaliya.

Wafdi heer sare ah oo ka socday Dowladda Jamhuuriyadda...