Wasaaradda Qorsheynta XFS oo Shir Wada-tashi ah la yeelatay Rugta Ganacsatada Soomaaliyeed

Date:

Muqdisho (SNTV)-Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta  Wada-tashi ku aadan Qorshaha Horumarinta Qaranka Sagaalaad (QHQ9) la yeelatay Rugta Ganacsatada Soomaaliyeed, Kaasi oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Ahmiyadda  wadatashigaan ayaa ah diyaarinta iyo qorista Qorshaha Horumarinta Qaranka ee uu dalkeena yeelanayo, iyaddoo  lagu saleenayo yarenta Saboolnimada ama faqriga, waxaa goobjoog ka ahaa Masuuliyiinta Wasaaradda, Madaxda Rugta Ganacsatada Soomaaliyeed iyo Ururka Haweenka Qaranka.

Inta uu socday wadatashigaan ayaa waxaa si weyn diiradda loogu saaray qodabada kala ah  Qeexitaanka Saboolnimada , Qiimeynta Xaalada Saboolnimada ee Soomaaliya  iyo hanaanka loo kobcin karo dhaqaalaha dalka, islamrkaana shaqo abuur loo Sameyn lahaa,  tasi oo ay aad u boggaadiyeen Rugta Ganacsatada Soomaaliyeed.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta XFS Mudane Asad Yuusaf Qanyare oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay  in dawladda ay ka go’an tahay yarenta Saboolinimada iyo kobcinta dhaqaalaha.

“Waxaan maaliintii labaad wadatashi la yeelaynay rugta ganacsatada Soomaaliyeed oo aan si wayn ugu wadatashanay geedi socodka diyaarinta iyo qorista Qorshaha Horurmainta Qaranka sagaalaad (QHQ9aad), dawladda way ka go’an tahay yareenta Saboolnimada oo saldhig u ah Qoshaahan, sidoo kale waxuu horseed ka yahay geedi socodka deyn cafiska Soomaaliya” ayuu yiri Asad Yuusaf Qanyare

Rugta Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa ku tilmaayay wadatashiga inuu yahay mid guul weyn dalka u horseedayo, taasi oo ay ku qeexeen muhiimada qorshaha horumarinta Qaranka tubaha saldhiga looga dhigay.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo qabatay kulanka kooxda farsamada ee xargaha Badda hoosteeda mara

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), iyadoo kaashanaysa Hay’adda Maaliyadda Caalamiga...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kormeeray bandhigyada ay Hobollada Waabari u diyaarinayaan maalmaha Xorriyadda

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifitaax...

Guddoonka Labada Aqal ee BFS oo kulan gaar ah ku yeeshay hoyga Guddoomiyaha Aqalka Sare

Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

Ciidanka Booliiska oo wada Hawlgallo Lagu Ciribtirayo Anshax-xumada iyo Falalka Lidka ku ah Dhaqanka

Ciidanka Booliiska Caasimadda, gaar ahaan Saldhigga Degmada Garasbaaley, ayaa...