Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed

Date:

Baydhabo (SNTV)-Jannaayo 16, 2019: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qayb-galay xafladda caleemasaarka Madaxweynaha cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen).

Madaxweyne Farmaajo ayaa u hambalyeeyey Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed, isaga oo kula dardaarmay in uu kasoo dhalaalo himilooyinka ay ka sugayaan bulshada Koonfur Galbeed, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo nabadeeynta.

Madaxweynaha ayaa adkeeyey muhiimadda uu leeyahay xiriirka Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Dhexe, isagoona hoosta ka xarriiqay in loo baahan yahay wadashaqayn buuxda, si loo ilaaliyo qarannimada iyo sharafka shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shacabka Koonfur Galbeed iyo hay’adaha amniga ku boorriyey in ay si dhaw ula shaqeeyaan Madaxweynaha cusub si loo gaaro himilada Dowlad Goboleedka iyo guud ahaan tan ummadda Soomaaliyeed.

Xafladda caleemasaarka ayaa waxa ka soo qayb-galay madax ka socotay goleyaasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka, duubabka dhaqanka, Xildhibaanno iyo Wasiirro heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, wufuud ka socotay Urur-Goboleedka IGAD, Dowladda Itoobiya iyo Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Turkiga.

Madaxweyne Farmaajo oo caawa ku hoyanaya magaalada Baydhabo ayaa kulamo xog wareysi iyo wadatashi ah la yeelan doona madaxda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Koonfur Galbeed, si uu ugu kuur galo xaaladda nolaleed iyo midda amni ee deegaannadaas.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...