Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed

Date:

Baydhabo (SNTV)-Jannaayo 16, 2019: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qayb-galay xafladda caleemasaarka Madaxweynaha cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen).

Madaxweyne Farmaajo ayaa u hambalyeeyey Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed, isaga oo kula dardaarmay in uu kasoo dhalaalo himilooyinka ay ka sugayaan bulshada Koonfur Galbeed, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo nabadeeynta.

Madaxweynaha ayaa adkeeyey muhiimadda uu leeyahay xiriirka Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Dhexe, isagoona hoosta ka xarriiqay in loo baahan yahay wadashaqayn buuxda, si loo ilaaliyo qarannimada iyo sharafka shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shacabka Koonfur Galbeed iyo hay’adaha amniga ku boorriyey in ay si dhaw ula shaqeeyaan Madaxweynaha cusub si loo gaaro himilada Dowlad Goboleedka iyo guud ahaan tan ummadda Soomaaliyeed.

Xafladda caleemasaarka ayaa waxa ka soo qayb-galay madax ka socotay goleyaasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka, duubabka dhaqanka, Xildhibaanno iyo Wasiirro heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, wufuud ka socotay Urur-Goboleedka IGAD, Dowladda Itoobiya iyo Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Turkiga.

Madaxweyne Farmaajo oo caawa ku hoyanaya magaalada Baydhabo ayaa kulamo xog wareysi iyo wadatashi ah la yeelan doona madaxda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Koonfur Galbeed, si uu ugu kuur galo xaaladda nolaleed iyo midda amni ee deegaannadaas.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha guutada lixaad ee qaybta 60-aad oo tababbar u soo xiray cutubyo ka tirsan guutada lixaad

Taliyaha Guutada 6-aad ee Qaybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka...

Ciidanka Ammaanka oo gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan Khawaarijta

Ciidamada Ammaanka ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsanaa...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xarigga ka jaray Baakin casri ah oo laga hirgeliyey xayndaabka garoonka Aadan Cadde

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane...

Soomaaliya oo dhambaal taageero ah u dirtay Dowladda Qatar

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujinaysaa walaac qotada dheer oo...