Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo sheegay in Bulshadda Gobolka Hiiraan u baahan yihiin dib u heshiisiin rasmi ah

Date:

Muqdisho (SNTV):- Shir ku saabsan Wacyiga Nabadda, Isdhexgalka iyo horumarka gobolka Hiiraan ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho,waxaa ka soo qeyb galay Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo Ku-xigeenkiisa, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Hirshabeelle, Aqoonyahano iyo masuuliyiin ka tirsaan maamulka Gobolka Hiiraan.

Kulanka waxaa diiradda lagu saarayaa sidii dhibaatooyinka Gobolka ka jira xal loogu heli lahaa, iyadda oo leyswado kaashanayo

Sheekh Cismaan Barre, Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa sheegay in Hiiraan u baahan tahay dib u heshiisiin rasmi ah, taas oo ka timaada dadka reer Hiiraan.

“Hiiraan waxaa dega dad badan,waxaana ay u baahan yihiin in si dhab ah arrintooda loo xaliyo, sidoo kale dib dhacweyn ayaa Gobolka ku yimid waana wax laga xumaado,” ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Mudane Sheikh Cismaan Barre.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa tilmaamay in gobolka sidoo kale dhibaato ku hayaan meeleeshiyaadka Al Shabaab sidoo kalena aysan ka socon lacagta Shilin Soomaaliga ah taasina dhibaato weyn ay ku tahay shacabka Gobolka Hiiraan.

“Hiiraan waxaa ay u baahan tahay Isdhexgal Bulsho kaas oo si waagsan looga shaqeeyo,iyadda oo la is wad kaashanayo”ayuu yiri Guddoomiye Barre.

Shirkan ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Xarunta Irshaad taas oo ka shaqeysa arragti Isdhaafsiga.

Maleeshiyada Al-Shabaab oo aan u tureyn shacabka ayaa dhibaato weyn ku haya shacabka deegaanada fara ku tiriska ah ay kaga sugan yihiin Gobolka Hiiraan,waxaana socda qorshe Ciidamada Xoogga dalka ay ku doonayaan iney shacabka kaga dul qaadaan gumaadka argagixisada Al-Shabaab ku haayaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo ka qeybgalay shir looga hadlayo arrimaha Barakacayaasha

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Mudane Axmed Xuseen...

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay Bakool

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay fuliyay howlgal qorsheysan...

Wasaaradda Caddaaladda oo shaacisay xiliga la qabanayo Shirweynaha 1-aad ee Bahda Caddaaladda Soomaaliyeed

Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS,...

Guddiga Madaxa Bannaan ee Dastuur BFS oo kulamo ka yeeshay arrimaha Dastuurka dalka

Guddiga Madaxa bannaan ee Dastuurka iyo Guddiga Lasocodka Dastuurka...