Muqdisho (SNTV)– Laba xidigle xoogga dalkaย Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Kumbud) ayaa looย heysta in uu dil bareer ah u geystay Marxuum Dayax Iimaan Xasanย 21-ka bishii sagaalaad 2018, dilkaasi oo ka dhacay aga-gaarka Seybiyaanoย degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.
Ciidamada amniga ayaa soo qabtay Eedeysanaha, waxaana laguย wareejiyay Heyโadaha Baarista.
Marxuum Dayax Iimaan Xasan ayaa ahaa wiil dhallinyara ah, waxa uu sidoo kale ahaa wade gaari raaxo isagoo sidoo kale soo dhameeyay heerka wax barashada koowaadย ee jaamacadda Plasma.
Iyadoo jimco ay tahay xilliyadii salaadda kadib ayuu sababsaday qorey Dhasiika ah uu gacantiisa ku riday sida uu sheegtay Laba xidigle xoogga dalkaย Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Kumbud).
Eeda Kumbud ayaa lagu soo wareejiyay xafiiska Xeer Ilaalinta Xilligaasiย ย waxa ayna ย codsadeen Xafiiska in garsoorka ay ku hayaan xabsiga dhexe gar-suge ahaan.
Muddo baaristooda kadibย ayay codsadeen in la muddeeyo dhageysiga dacwadda ka dhanka ah Laba xidigle xoogga dalkaย Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Kumbud), waxaย ayna Maxkamadda aqbashay in la muddeeyo 10-ka Bishii 12-aad ee sanadkii tegay.
Sedax Cishe kadib ayay bilaabatay Maxkamadeynta Kumbud, waxaana dhageysiga dacwadda ย u dhammaaย dhinacyada dacwadda la isku ballamiyay in markale dib la isugu soo noqdo.
Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa isla xilligaasi xooraansi dheeraad ah ugu jiray dhacdada sidii loogu dhameystiri lahaa dambi muujinada eedeysanaha, waxa ayna sidoo kale fadhigiiย labaad la yimaadeenย ย oo aheyd laba todobaad kadibย cadeyma dheeri ah sida Sawirka Marxuumka, Warqadda Dhakhtarkaย ku cadeeyayย dhimashada Marxuumka iyo markaatiyaal shan ah oo ay qaarkood wada saarnaayeen gaariga eedeysanaha la maxkamadeeyay ee Kumbud.
Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi oo ah ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Side ayaa fadhiga ka sheegay in eedeysanaha uu u adeegsadayย qori Dhashiika ahย meel ciriiriย badan ka jiro balse qoriga loogu tala galay furumaha dagaalka.
Laba xidigle xoogga dalkaย Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Kumbud) ayaa sheegay in u jeedkiisu ahaa sidii uu u furi lahaa waddada oo aheyd Baarta jaadka halka loo yaqaano xilligaasi oo ay saxmad ka jirtay balse lagu war geliyay in ay sabatay xabadii uu riday dhimashada Marxuum Dayax Iimaan Xasan.
Qareenada ayaa ku dooday in loo naxariisto sarkaalka loona fududeeyoย xukunka maadama uu goobta fal ka dhacay ay aheyd goob Saxmad ah.
Ugu dambeyn maanta ayaa goโaan laga gaaray, waxaana lagu xukumay eedeysaneย Ex, Laba xidigle xoogga dalkaย Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Kumbud) dil toogasha ah oo ah ย qisaastii Marxuum Dayax Iimaan Xasan, sida uu u sheegay dhammaan dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute
Maxkamadda Ciidamada ayaa horay digniin uga dirtay in aan lagu xad gudbin muwaadiniinta isaga kala goosha magaalada, waxa ayna sheegtay in ciddii geysata dil ku tala gal ah aan looga waaban doonin sharciga.
Sarkaal xukunsanaha ahย ayaa heysta fursadย kaleย uu uga qaadan karo rafcaan Xukunka Maxkmadda Darajada koowaad.