Doorashada xilka madaxweynaha Dowlada Goboleedka Puntland oo ay ku tartamayeen 21 musharax ayaa wareega koobaad ee doorashada waxaa hogaaminaya Musharaxiinta kala ahaa Saciid Cabdulaahi Deni oo helay 20-cod iyo Jeneraal Asad Cismaan oo isna helay 17 cod , sidoo kale Faarax Cali Shire oo helay 9-cod.wareegi koobaad ee doorashadda madaxweynaha maamulka Puntlanad waxanna wareega koobaad ku haray 18 musharax oo ka tirsana tartamayaasha .
Waxaa loo gudbay wareega labaad ee doorashada waxaa hogaaminayay Jeneraal Asad Cismaan oo helay 30-cod, waxaana kusoo xigay Siciid Cabdullahi Deni oo helay 29-cod halka Musharaxa saddexaad ee Faarax Cali Shire ayaa ku haray wareega labaad ee doorashada .
Wareegi ugu danbeyay waxaa islaa soo garaya Jerenaal Asad Cismaan iyo Siciid Cabdullaahi Deni tartan dheer ka dib ayaa xilidhibaanada Baarlamaanka Maamulka Puntlanda ayaa si rasmiya waxay u doorteen Madaxweynaha shanta sanno ee soo socotaha hogaamin doonna Puntland waxaa loo doortay madaxweynaha cusub ee puntland Siciid Cabdullaahi Deni .
Waxaa uu helay codad gaaraya ku dhawaad 35 cod,halka masharaxa Asad Cismaan Cabdullaahi uu helay 31 cod codadkii laa tiriyay ee wareega sadexadd.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdi xakiin Maxameed Axmed Dhoobo ayaa ku dhawaaqay Madaxweynaha cusub ee Maamulka Puntland oo loo doortay Siciid Cabdullaahi Deni.
Sidoo kale waxaa goordhow bilaaban doona Doorashada Madaxweyne Kuxigeenka Puntland oo ay ku tartamayaan 11-Musharax.