Shacabka Caasimadda oo Muujiyey Kalsoonida Madaxda Qaranka

Date:

Muqdisho (SNTV):- Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa uga qeyb-galay Degmada Waaberi Munaasabad lagu taageerayay aqbalaaddii Xoghayaha Guud ee QM Antonio Guterres go’aankii Dawladda Soomaaliya.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa uga mahadceliyey shacabka Soomaaliyeed taageerada ay u muujiyeen go’aankii ay Dawladdu ay ka qaadatay Wakiilkii hore QM u fadhiyey Soomaaliya, isagoo xusay in tallaabadaasi ay dhiirigelisay kalsoonida ay shacabku u hayaan Madaxda dalka,

Eng. Yarisow waxuu sheegay in barnaamijkani uu qeyb ka yahay isku imaatino dhowr ah oo lagu xoojinayay midnimada shacabka iyo Dawladda, isla markaana lagu caddeynayay mowqifka wadajira ee ku aaddan go’aankii laga qaatay ergay Nicholas Haysom .

Sidoo kale, Duqa Muqdisho ayaa xusay in marnaba aan la aqbali doonin faragelin shisheeye ee gudaha dalka, taasoo ah mid laga soo gudbay, waqtigana ay Soomaaliya hayso horumarka iyo wax-wadaqabsiga.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa kula dar-daarmay shacabka Soomaaliyeed in meel looga soo wada-jeesto wax walba oo dhibaato u keenaya qaranimada iyo qabka ummadda.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiir ku-xigeenka Howlaha Guud, Guddoomiye ku-xigeenadda Gobolka, Xoghaya iyo bulshada ku nool afarta Degmo ee Waliyoow Cadde.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...