Saraakiil ka tirsan Booliska AMISOM oo Abaalmarin la Guddoonsiiyay

Date:

Muqdisho (SNTV)ย ย Munaasabadan abaal marinta lagu guddoonsiinayay saraakiisha Booliska AMISOM gaar ahaan kuwooda ka socda dalka Nigeria ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho,tasi oo ay ka qeybgaleen masโ€™uuliyiin ka tirsan xafiiska Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo saraakiil kal eoo ka tirsan Booliska AMISOM.

Saraakiisha Booliska AMISOM ee Nigeria oo ka howlgalo Soomaaliya ee gaaraya ilaa 159 ayaa siweyn loogu ammaanay laguna bogaadiyay howlaha adeegyada ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed,gaar ahaan kaalinta ay ka qaadanayaan howlaha bixinta tababarada la xiriirka qibradaha Ciidanka booliska iyo xiriirka kala dhexeya inta lagu guda jiro u adeegista bulshada.

Waxaa lagggudoonsiiyay shahaadooyin iyo abaalmarino oo ay ku mutaysteen shaqo waanaag,waxaana goob joog ahaa Maj. Gen. Fidza Dludlu oo ah madaxa qeybta taageerada howlgalka AMISOM, Rex Dundun taliyaha ciidanka booliska AMISOM,kuwaasi oo ku tilmaamay saraakiisha ka socotay Nigeria in ay muujiyeen dowr muuqda oo ku aadan in ay yihiin safiiro dhab ah oo matala Nigeria iyo Midowga afrika,kadib markii booliska Soomaaliyeed ay ka caawiyeen khibrado badan oo xagga gudashada waajibaadkooda la xiriira.

โ€œAMISOM waxaa ay ku faraxsantahay shaqooyinkii wanaagsana oo ay qabteen guutadan booliska Nigeria,iyagoo muujiyay shaqo wanaag,kaalina ka qaateen nabadda iyo amniga Soomaaliya,waxay muujinaysaa in si dhab ah ay u guteen waajibaadkooda,iyagoo maray dhamaan shuruucdii iyo xeerarkii u degsanaa,wadashaqeyn fiicana lalahaa dhinacyada kaleโ€. Ayuu yiri Maj. Gen Dludlu

Ciidamada Booliska AMISOM ayaa la aaminsanyahay in dowr muuqda ay ka qaadanayaan taageerista ciidanka booliska Soomaaliyeed,iyagoo ka caawiya waxyaabo badan oo sahlaya gudashada waajibaadkooda si hufan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale