Wasiirka cusub ee Wasaaradda Howlaha Guud oo si rasmi maanta Xilkaasi ula wareegay

Date:

Muqdisho (SNTV)-Xafladaan oo Xilalka ay kula kale Wareegayeen Wasiirkii hore ee Wasaaradda Howlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdifataax Maxamed Ibraahim (Geeseey) iyo Wasiirka Cusub ee Wasaaraddaasi Mudane Cabdi Aadan Hoosoow ayaa Maanta lagu Qabtay Xarunta Wasaradda ee Magaaladda Muqdisho.

Xafladaan ayaa Waxaa ka soo qeybgalay Ra’iisul wasaare ku-xiggeenka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha  Xukuumadda Soomaaliya mudane Cabdullaahi Xaamud, Wasiir ku xigeenka Wasraadda Jamaal Xasan Maxamed, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Agaasime Waaxeedyada iyo Shaqaalaha Wasaaradda.

Wasiirkii hore ee Wasaradda Howlaha guud  Mudane Cabdifataax Maxamed Ibraahim Geesey ayaa ugu horeyn hadalka qaatay wuxuuna ka hadlay Waxyaabihii u qabsoomay oo ay kamidyihiin Heshiisyo uu la galay Hay’ado Caalami ah & Dowladaha Saaxiibka la ah Soomaliya.

Wasiirka Cusub ee Wasaradda Howlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta XFS Mudane Cabdi Aadan Hoosoow ayaa Sheegay inuu la imaan doono hufnaan Cadaalad iyo howlkarnimo dhinaca shaqada ah halkaana uu kasii wadi doono hawlaha horyaalla Wasaaradda.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane  Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo xilka u kala wareejiyey Wasiirkii hore & Wasiirka Cusub ayaa ammaanay Shaqadii Wasiirkii hore ee xilkaan baneeyay ku tilmaamay inuu ahaa mid howlkar ah, Wasiirka Cusub ee Wasaaradda ayuuna ku tilmaamay inuu la imaan doono dar dar gelinta howlaha shaqo ee Wasaaradda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa Muqdisho ka Furay Shir Qaran oo Lagu Dardargelinayo Ka-Jawaabista Abaaraha Dalka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee...

Munaasabada xuska ciidanka Booliiska oo goordhow ka bilaaban doonta Muqdisho

Waxa maanta oo ah 20-ka bisha disember si weyn...

Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar

20-ka disember waa astaan ka mid ah maalmaha qaran...