Guddiga Doorashada Ee guddoonka Baarlamaanka Puntland oo la magacaabay.

Date:

Garowe (SNTV) -Guddoomiyaha Ku-meel gaarka ah ee Golaha Wakiilada Dawlad goboleedka Puntland Mudane Yaasiin Xuseen Xaaji Jaamac ayaa magacaabay Guddigii ka shaqeyn lahaa qabsoomida doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi iyo labadiisa Ku-xiggeen.

Guddiga doorashada Baarlamaanka ee uu magacaabay ku simaha guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland ayaa ka kooban 6 xubnood iyo guddoomiyahooda, waxaana sida qorshuhu uu yahay ay ka shaqeyn doonaan qabsoomidda doorashada gudoonka Baarlamaanka Puntland.

Xildhibaan Ismaaciil Cabdi Abtiile ayaa loo magacaabay gudoomiyaha Guddiga doorashada gudoonka Golaha wakiilada Puntland.

Doorashada gudoonka golaha wakiilada Dawlad goboleedka Puntland ayaa la filayaa in ay dhacdo 4-bisha Janaayo oo ku beegan maalinimada Jimcaha ee soo socota, waxaana u sharaxan xilka guddoomiyaha iyo labadiisa ku xigeen musharixiin gaaraya 8 musharax.


Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay Safiirka Talyaaniga xoojinta xiriirka labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo xafiikiisa ku qaabilay danjiraha Ururka Jaamicadda Carabta u qaabilsan Soomaaliya

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo furay shirka wadamada xubnaha ka ah Ciidanka Heeganka Afrikada Bari

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...