Ciidamada Kenya oo Soomaaliya ku dilay 7 Al-Shabaab ah

Date:

Nairobi-(SNTV)-Ciidamada difaaca Dalka Kenya ayaa sheegay in ay dileen 7-ka mid ah kooxda Al-Sabaab, isla markaana ay dhaawaceen tiro kale, ka dib howl-gal ay ka sameeyeen Koonfurta Dalka Soomaaliya.

Af-hayeen u hadlay Ciidanka difaaca Kenya ee KDF oo lagu Magacaabo, PM Njuguna, ayaa Jariiradda Daily Nation u sheegay in howl-galkaasi uu dhaawac fudud kazoo gaaray Laba Askari oo Ciidankooda ka mid ah.

Ciidanka difaaca Kenya ayaa sheegay inay weerarkaasi Al-Shabaab kaga qabsadeen saanad Milliteri oo ay ka mid yihiin 9 Qori AK 47 ah, Rasaas iyo Bambaanooyin.

Howlgalkan oo dhacay Shalay ka dhacay degaanka Taabto,ayaa la sheegay in uu qeyb ka ahaa weerarrada lagu wiiqayo argagixisada, kuwaas oo xasilooni darro ka wada degaanno ka mid ah Dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

PM Njuguna, ayaa sheegay, in ay sii wadayaan howl-gallada lau baacsanaayo kooxda Al-Shabaab inta laga xaqiijinayo nabadda iyo amniga Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...