Ciidamada Kenya oo Soomaaliya ku dilay 7 Al-Shabaab ah

Date:

Nairobi-(SNTV)-Ciidamada difaaca Dalka Kenya ayaa sheegay in ay dileen 7-ka mid ah kooxda Al-Sabaab, isla markaana ay dhaawaceen tiro kale, ka dib howl-gal ay ka sameeyeen Koonfurta Dalka Soomaaliya.

Af-hayeen u hadlay Ciidanka difaaca Kenya ee KDF oo lagu Magacaabo, PM Njuguna, ayaa Jariiradda Daily Nation u sheegay in howl-galkaasi uu dhaawac fudud kazoo gaaray Laba Askari oo Ciidankooda ka mid ah.

Ciidanka difaaca Kenya ayaa sheegay inay weerarkaasi Al-Shabaab kaga qabsadeen saanad Milliteri oo ay ka mid yihiin 9 Qori AK 47 ah, Rasaas iyo Bambaanooyin.

Howlgalkan oo dhacay Shalay ka dhacay degaanka Taabto,ayaa la sheegay in uu qeyb ka ahaa weerarrada lagu wiiqayo argagixisada, kuwaas oo xasilooni darro ka wada degaanno ka mid ah Dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

PM Njuguna, ayaa sheegay, in ay sii wadayaan howl-gallada lau baacsanaayo kooxda Al-Shabaab inta laga xaqiijinayo nabadda iyo amniga Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka Soomaaliya ee Koonfur Afrika oo ka qayb galay kulan ay isugu yimaadeen safiirrada dalalka Afrika ee Koonfur Afrika

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Koonfur Afrika,...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud spoke with the re-elected...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadal Khadka telefoonka...

Guddoomiyaha SoDMA oo howla shaqo ku jooga dalka Pakistan oo booqday Hay’adda NDMA. 

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle...