Xoghayah joogta Wasaradda Qorsheynta oo dalka Ethapia ka furay shir looga hadlayo abaaraha.

Date:

Shir looga ย hadlayo Qorshaha Dib u kabashada Abaaraha iyo ย sidii looga gashaaman lahaa abaaraha soo noq noqday #RRF ayaa maata ka furmay Magaalada Addis ababa ee dalka Ethapia waxaana ka qeybgalay xubna ka socday Wasaaradda Qorsheynta DF iyo Dowladd gobaleedyada.

Xoghayaha Joogta Wasaaradda Qorsheynta,Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dalka Mudane Cabdulqaadir Maxamed Aadan (Cabdul) ooย ย  shir gudoominayaย  kulan howleedkan ayaa qeexay ahmiyada qorshahan RRF iyo qorshah dib u kabashada abaaraha uu soo maray.

โ€˜dhaamaanteen waan la wada socanay qorshahan marxalda kala duwan ee uu soo maray, maanta waxaan joognaa qaabkii fulintiisa aanย ย  u guda gali lahayn, Garowe markii aan isku imaanay dowladda Dfย  iyo Dowladd gobaledyada arinta si wanagsan ayaan uga wada hadlaynay innagoo wax ajanabi ah nagu dhax jirin marka qorshahan waa mid Soomaali ay gacanteeda ay ku Sameysatay iyadana leehayd waxan noogala baahan yahay in mudnaansiinta howlahan in aan guda galno โ€œayuu yari Xoghyaha joogtaa.

Qaar ka midah Agaasimyaasha Guud ee Wasaradaha Qorsheynta Dowladd Gobaleedyadaย  oo ka jeediyay shirka hadalo kooban ayaa bogaadiyay qorshaha iyo sida ay uga shaqeenayso Wasaaradda Qorsheynta Dowladda federaalka Soomaaliya arintan .

Bilowgii Sanadka 2017 markii talada ay la wareegtay Xukuumadda Soomaaliya ee haatan jirta ayaa Wasaaradda qorsheynta dadaal u gashay sidii qorshe looga yeelan lahaa abbaarahaan soo noq noqday iyadoo Wasiirka Qorsheyenata Amp Jamaalย  Maxamed Xasan uu warqad u qoray Beesha Caalamka ย uu ka dalbnayay in ay dowladda ku ย gacan siiyan warbaxin lagu eegayo xajmiga ay reebtay abaarahii dhacay 2016 -2017ย  iyo wax laga baran karo, waxana daraasadaasi lagu ย sooย  bandhigay raadadka abarta ay geesata DINA tasoo laga sameeyay gobalada dalka oo dhan.

Ka dib ayaa Wasaaradda wax ay go,aan ku gaartayย  in la la guda galo qorshahan dib u kabashada abaarahaย  soo noq noqday iyadoo ย la tixraacayo daarasada DINA lagu saleenayo ahmiyada kala duwan ee dhinacyada Xoolaha ,Beeraha, Kaluunka , Biyaha Caafimaadka iyo Dhismaha Wadooyinka tasoo fursad u ah sidii looga gaashanto abaaraha soo noq noqday.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale