Saldhigii ugu weynaa ee laga soo abaabuli jiray Qaraxyada Al-shabaab oo la burburiyey

Date:

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo ay wehliyaan Ciidamo Mareykan ah ayaa Howlgal qorsheysan ka fuliyay gudaha degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhaxe.

Howlgalka ayaa laga fuliyay Xarun tababar Maleyshiyada Al-shabaab ay ku lahayeen gudaha Magaalada Jilib ee Xarunta Gobolka Jubbada Dhaxe.

Taliyaha qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed  General Cali Maxamed Maxamuud (Bogmadow) oo la hadlay Idaacada Ciidamada qalabka Sida ayaa sheegay in ciidamada danab oo taageero ka helaya ciidamo Mareykan ah ay weerar qorsheysan ay ku qaadeen Xarun tababar oo nabadiidka Al-shabaab ay ku lahayeen degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhaxe.

Taliye Bogmadow waxaa uu sheegay qasaaro dhimasho iyo dhaawac nabadiidka Al-shabaab lagu gaarsiiyay weerarka Howlgalka

Ku dhawaad 30 Maleyshiyaad ah iyo 4 horjooge oo ka tirsan Al-shabaab ayaa lagu dilay weerarka sida uu sheegey Taliye Bogmadow

General Bogmadow ayaa Tilmaamay in Horjogayaasha lagu dilay weerarka ay ka mid yihiin labo horjooge oo Ajaanib ah

Magacyada horjogayaasha Ajanibta ah ee lagu dilay howlgalka waxaa kamid ah Aweys Abu Xamza oo heesta dhalashada Dalka Suuriya iyo Hassan Al-Qayaadi (Abu Yaxya) oo isna heysta Dhalashada Dalka Liibiya isagoona ka mid ahaa raga ugu sareeya nabadiidka Al-shabaab

Saldhigga la weeraray ayaa ka mid ahaa xarun lagu tababaro Maleyshiyaadka fuliya isqarxinta, kuwaas oo  Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ay sheegeen in saldhigga uu ka mid ahaa Goob ay nabadiidka Al-shabaab ay kasoo abaabulaan weerarada qaraxyada ah

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...