Saldhigii ugu weynaa ee laga soo abaabuli jiray Qaraxyada Al-shabaab oo la burburiyey

Date:

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo ay wehliyaan Ciidamo Mareykan ah ayaa Howlgal qorsheysan ka fuliyay gudaha degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhaxe.

Howlgalka ayaa laga fuliyay Xarun tababar Maleyshiyada Al-shabaab ay ku lahayeen gudaha Magaalada Jilib ee Xarunta Gobolka Jubbada Dhaxe.

Taliyaha qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed  General Cali Maxamed Maxamuud (Bogmadow) oo la hadlay Idaacada Ciidamada qalabka Sida ayaa sheegay in ciidamada danab oo taageero ka helaya ciidamo Mareykan ah ay weerar qorsheysan ay ku qaadeen Xarun tababar oo nabadiidka Al-shabaab ay ku lahayeen degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhaxe.

Taliye Bogmadow waxaa uu sheegay qasaaro dhimasho iyo dhaawac nabadiidka Al-shabaab lagu gaarsiiyay weerarka Howlgalka

Ku dhawaad 30 Maleyshiyaad ah iyo 4 horjooge oo ka tirsan Al-shabaab ayaa lagu dilay weerarka sida uu sheegey Taliye Bogmadow

General Bogmadow ayaa Tilmaamay in Horjogayaasha lagu dilay weerarka ay ka mid yihiin labo horjooge oo Ajaanib ah

Magacyada horjogayaasha Ajanibta ah ee lagu dilay howlgalka waxaa kamid ah Aweys Abu Xamza oo heesta dhalashada Dalka Suuriya iyo Hassan Al-Qayaadi (Abu Yaxya) oo isna heysta Dhalashada Dalka Liibiya isagoona ka mid ahaa raga ugu sareeya nabadiidka Al-shabaab

Saldhigga la weeraray ayaa ka mid ahaa xarun lagu tababaro Maleyshiyaadka fuliya isqarxinta, kuwaas oo  Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ay sheegeen in saldhigga uu ka mid ahaa Goob ay nabadiidka Al-shabaab ay kasoo abaabulaan weerarada qaraxyada ah

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.

Muqdisho, Khamiis, 18 Diseembar 2025:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka...

Ciidanka Danab iyo MU oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Hoose.

Ururka 161-aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab oo kaashanaya cutubka...

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Waxqabadka Sannadka 2025.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...