Xildhibaanada Golaha shacabka oo maanta ka dooday Miisaaniyadda sanadka 2019-ka

Date:

Muqdisho December 29 (SNTV):-Kulanka guud ee mudanayaasha golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa maanta looga hadlay hal ajende oo ahaa Warbixinta iyo ka doodista Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2019-ka,waxaana ugu horeyn guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman oo kulanka shir gudoominayay uu sheegay in kalfadhigan geba-gebada maraya uu wax badan qabtay islamarkaana uu ansixiyay afar hindise sharciyeed,wuxuuna Xildhibaanada ka codsaday in Miisaaniyada ansixiyaan maadaamaa ay dalka muhiim u tahay.

Guddiga Miisaaniyadda,Maaliyadda,Qorsheynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka ayaa golaha u aqriyay warbixin hour dhac ah oo ku saabsan odoroska miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2019-ka.

Kulanka oo  uu sidoo kale ka qeyb galay guddoomiye k-xigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka aragtiyadooda ka dhiibtay Warbixinta uu gudiga soo gudbiyay, iyagoo qaarkood su’aalo miisaaniyada ku saabsan weydiinayay Madaxda Wasaaradda oo kulanka joogtay.

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa xildhibaanada u faah faahiyay qodobada qaar oo warbixin miisaaniyadeedka ku xusnaa.

Guddoomiyaha Guddiga Miisaaniyadda,Maaliyadda,Qorsheynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamuud Cabdullaahi Siraaji ayaa uga mahad celiyay xildhibaanada golaha shacabka talooyinka ay warbixinta miisaaniyadda ku biiriyeen.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo kulanka soo xiray  ayaa sheegay in gudiga iyo wasaaradda ay iska kaashanayaan talooyinka xildhibaanada kulanka kan xigana miisaaniyadda cod la gelin doono.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud hosted Her Excellency Sophie,...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku...

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo Jiddah uga qeybgalay kulanka Ururka Iskaashiga Islaamka

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS Mudane Cali Maxamed Cumar...

Wasaaradda Warfaafinta XFS oo ka tacsiyeeyay geerida marxuum Saciid Maxamuud Axmed 

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka...