Garsoorayaashii uu Magacaabay Madaxweyne Farmaajo oo la dhaariyey

Date:

Muqdisho December 29 (SNTV):- Garsoorayaashan ladhaariyey waxaa soo magacaabay dhawaan Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” waxaana ay kamid noqonayaan Gorsoorayaasha Maxkamadda Sare ee Dalka.

Munaasabadda dhaarinta waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed,Wasiirka Cadaaladda Mudane, Xasan Xuseen Xaaji, Guddoomiyaha Maxkamdda Racfaanka Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullahi ,Taliyaha Ciidanka Booliska Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko iyo Shaqaalaha kala duwan ee Garsoorka dalka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Baashe Yuusuf Axmed ayaa sheegay in Garsoorayaashan ay qeyb weyn ka qaadanayaan dib u soo celinta dalka Dowlad nimadiisii.

“Waxaan rajeynayaa in aad kaalin weyn ka qaadataan dib u soo celinta dowladnimadii dalkan taas oo in muddo ah maqneyd, hadda waxaan heynaa shaqo aad u adag waxaana rajeynaa in aad isbedel wanaagsan nagu soo kordhisaan.”

Guddoomiye Baashe waxaa uu si weyn uga hadlay arrimaha musuq maasuqa, waxaana uu sheegay inay jiraan qareeno qaata laaluush, kuwaas  oo dagaal lagula jiro sidii banaanka loo soo dhigi lahaa.

“Waxaan heynaa cadeymo aad u badan kuwaas oo ku aadan dhanka Musuq maasuqa. waxaa jiro qareeno qaata laaluush balse waxaa jiro baaritaano joogto ah oo aan dadkaas ku heyno, musuqa waxaan kula jirnaa dagaal aad u balaaran.”

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka waxaa uu digniin u daray dadka looga guuleystay dacwadaha ay Maxkamadaha dalka qaadaan kuwaas oo u taga Maleeshiyaadka Al Shabaab si ay u cabsiiyaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

“hadda waxaa xiran 3 qof waxaa ay wateen cadeymo been ah waxaana looga guuleystay Maxkmadda, balse waxaa ay u tageen cowga dalka iyaga oo doonaya inay cabsiiyaan qofka kale ee dacwada kala dhaxeyso, sidaas waxaa sheegay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Baashe Axmed Yuusuf

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa dhankiisa waxa uu tilmaamay Garsoorka dalka uu isbedel weyn ka muuqdo taas oo in halkaas laga siiwado ku dhiiri galinayaan Madaxda Maxkamadaha kala duwan ee dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Ganacsiga XFS oo ka qayb galay shirka warshadaha Dalalka ku bahoobay EAC

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee...

Safiirka Soomaaliya u fadhin doona Yemen oo wasaaradda Arrimaha dibedda Yemen ka guddoontay warqadaha Aqoonsiga

Danjiraha JFS ee dalka Yemen Mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed...

Wasiir-dowlaha Beeraha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb-galay shirka IFAD

Wasiir-dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, Mudane Asad Cabdirisaaq...

Wasiirka Qoyska XFS oo furtay Imtixaanka Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...