Garsoorayaashii uu Magacaabay Madaxweyne Farmaajo oo la dhaariyey

Date:

Muqdisho December 29 (SNTV):- Garsoorayaashan ladhaariyey waxaa soo magacaabay dhawaan Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” waxaana ay kamid noqonayaan Gorsoorayaasha Maxkamadda Sare ee Dalka.

Munaasabadda dhaarinta waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed,Wasiirka Cadaaladda Mudane, Xasan Xuseen Xaaji, Guddoomiyaha Maxkamdda Racfaanka Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullahi ,Taliyaha Ciidanka Booliska Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko iyo Shaqaalaha kala duwan ee Garsoorka dalka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Baashe Yuusuf Axmed ayaa sheegay in Garsoorayaashan ay qeyb weyn ka qaadanayaan dib u soo celinta dalka Dowlad nimadiisii.

“Waxaan rajeynayaa in aad kaalin weyn ka qaadataan dib u soo celinta dowladnimadii dalkan taas oo in muddo ah maqneyd, hadda waxaan heynaa shaqo aad u adag waxaana rajeynaa in aad isbedel wanaagsan nagu soo kordhisaan.”

Guddoomiye Baashe waxaa uu si weyn uga hadlay arrimaha musuq maasuqa, waxaana uu sheegay inay jiraan qareeno qaata laaluush, kuwaas  oo dagaal lagula jiro sidii banaanka loo soo dhigi lahaa.

“Waxaan heynaa cadeymo aad u badan kuwaas oo ku aadan dhanka Musuq maasuqa. waxaa jiro qareeno qaata laaluush balse waxaa jiro baaritaano joogto ah oo aan dadkaas ku heyno, musuqa waxaan kula jirnaa dagaal aad u balaaran.”

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka waxaa uu digniin u daray dadka looga guuleystay dacwadaha ay Maxkamadaha dalka qaadaan kuwaas oo u taga Maleeshiyaadka Al Shabaab si ay u cabsiiyaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

“hadda waxaa xiran 3 qof waxaa ay wateen cadeymo been ah waxaana looga guuleystay Maxkmadda, balse waxaa ay u tageen cowga dalka iyaga oo doonaya inay cabsiiyaan qofka kale ee dacwada kala dhaxeyso, sidaas waxaa sheegay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Baashe Axmed Yuusuf

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa dhankiisa waxa uu tilmaamay Garsoorka dalka uu isbedel weyn ka muuqdo taas oo in halkaas laga siiwado ku dhiiri galinayaan Madaxda Maxkamadaha kala duwan ee dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq raashin ah oo la gaàrsiiyay

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq...

Xilheynta xilalka heer gobolka iyo degmo ee maamulka K/Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowladda Soomaaliya ayaa...

DF oo shacabka Soomaaliyeed ku wargelisay inuu dalka galayo marxalad Doorasho loo dhan yahay

Wasaaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiistinta ee (DFS) waxay...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, oo Kulan La Qaatay Odayaasha Dhaqanka ee Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...