Saraakiil ka tirsan Midowga Afrika oo booqatay Isbitaalka AMISOM

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Ku xigeenka Madaxa Ciidanka Midowga Afrika iyo Saraakiil kale ayaa booqday bukaanno kala duwan oo ku jira Isbitaalka AMISOM ee Muqdisho.

Booqashada ayaa sidoo kale waxaa qayb ka ahaa taliyaha Ciidanka howl-galka AMISOM, Jenaraal, . Kitila Bulti Tadesse iyo Jenaraal, Michael Kabango, oo ka mid ah Saraakiisha sar-sare ee Ciidanka Midowga Afrika.

Bukaannada ayaa isugu jira, Askar qabta dhaawacyo kala duwan iyo Dad rayid ah oo lagu dabiibayo halkaasi, iyadoo la guddoonsiiyay Raashiin fudud oo nafaqaysan iyo waxyaabo kale oo looga tala galay inay isticmaalaan inta ay Isbitaalka ku jiraan.

Qaybta Labaad ee Isbitaalka AMISOM oo looga tala galay shaqaalahahowl-galka Midowga Afrika, ayaa sidoo kale lagu qaabbilaa Ciidamada iyo Shacabka Soomaaliyeed ee u baahan adeegyada caafimaad.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo La Kulmay Agaasimeyaasha Waaxyaha Wasaaradda

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasaaradda Caafimaadka oo soo bandhigtay khasaaraha ka dhashay howlgalka hubka dhigista ee Muqdisho

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixin rasmi ah...

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo qorsheysan ka fuliyay gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan geesiyaasha sida gaarka...

Madaxweynaha JFS oo Danjire Salaad Cali Jeelle u magacaabay Lataliyaha Sare ee Madaxweynaha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo...