Madaxweynaha Jubbaland oo booqday degaanno laga xoreeyay Al-Shabaab

Date:

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Juballand ayaa booqasho ku tagay degaanno dhanka Galbeed ka ah Magaalada Kismaayo, kuwaas oo dhawaan Ciidanka qalabka sida ay kala wareegeen Maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Madadaxweynaha Juballand Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” ayaa ugu heyn tagay degaanka Cabdalla-biroole oo 60 km dhanka Galbeed kaga began Kismaayo, halkaas oo marsii horreysay laga saaray Kooxda Al-Shabaab.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa la kulmay Saraakiisha iyo Ciidanka ku sugan degaanka  Cabdalla-Biroole, isaga oo kala hadlay sida Ciidanku howl-galkooda u sii ballaarin lahaayeen iyo arrimo kale.

Sidoo kale, waxaa uu Saraakiisha iyo Ciidankaba ku guubaabiyay in shaqada ay u hayaan Shacabka Soomaaliyeed si hufanna loo qabto, iyaga oo ka hortaagan dhibaatooyinka ay ladamacsan yihiin Kooxaha Argagaxisada.

“Runtii waxa aad qabaneysaan waa wax aad u heysaan Dadkiinna iyo Dalkiina, abaalkiinna majirto cid gudi karta, waxaadna joogtaan meel ay halis tahay in uu Qof kasta joogo, taasna waan idinku amaanayaa”ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Juballand, ayaa sidoo kale waxaa uu Tuuladaasi kula kulmay Dadka degaanka, isaga oo si gaar ah u booqday goobaha ganacsiga, wuxuuna ku dhiirra geliyay inay sii Laba laabaan shaqadood, isla markaana ay garab istaagaan Ciidamada.

Qeybo badan oo kamid ah Gobollada Jubbooyinka ayaa waxaa ka socda dhaqdhaqaaqyo Ciidan, si haraadiga Malleeshiyaadka argagixisada ee Al-Shabaab looga saaro meelaha ay degaanadaasi kaga dhuumaaleysanayaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Boliiska oo xariga ka jaray Dhismaha Dugsiga Qur’aanka Kariimka ee Gabdhaha Agoonta Boliiska

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...

Qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada oo kormeer ku tagay goobaha laga qaadanayo kaarka codbixinta

Qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Amniga Gudaha oo Hey’adda UNDP kala wareegay gaadiid loogu talagalay hay’adaha amniga

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo shacabka Caasimadda ugu baaqay inay qaataan kaarka codbixinta

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Xasan...