Madaxweynaha Jubbaland oo booqday degaanno laga xoreeyay Al-Shabaab

Date:

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Juballand ayaa booqasho ku tagay degaanno dhanka Galbeed ka ah Magaalada Kismaayo, kuwaas oo dhawaan Ciidanka qalabka sida ay kala wareegeen Maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Madadaxweynaha Juballand Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” ayaa ugu heyn tagay degaanka Cabdalla-biroole oo 60 km dhanka Galbeed kaga began Kismaayo, halkaas oo marsii horreysay laga saaray Kooxda Al-Shabaab.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa la kulmay Saraakiisha iyo Ciidanka ku sugan degaanka  Cabdalla-Biroole, isaga oo kala hadlay sida Ciidanku howl-galkooda u sii ballaarin lahaayeen iyo arrimo kale.

Sidoo kale, waxaa uu Saraakiisha iyo Ciidankaba ku guubaabiyay in shaqada ay u hayaan Shacabka Soomaaliyeed si hufanna loo qabto, iyaga oo ka hortaagan dhibaatooyinka ay ladamacsan yihiin Kooxaha Argagaxisada.

“Runtii waxa aad qabaneysaan waa wax aad u heysaan Dadkiinna iyo Dalkiina, abaalkiinna majirto cid gudi karta, waxaadna joogtaan meel ay halis tahay in uu Qof kasta joogo, taasna waan idinku amaanayaa”ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Juballand, ayaa sidoo kale waxaa uu Tuuladaasi kula kulmay Dadka degaanka, isaga oo si gaar ah u booqday goobaha ganacsiga, wuxuuna ku dhiirra geliyay inay sii Laba laabaan shaqadood, isla markaana ay garab istaagaan Ciidamada.

Qeybo badan oo kamid ah Gobollada Jubbooyinka ayaa waxaa ka socda dhaqdhaqaaqyo Ciidan, si haraadiga Malleeshiyaadka argagixisada ee Al-Shabaab looga saaro meelaha ay degaanadaasi kaga dhuumaaleysanayaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...