Ergayga QM u qaabilsan Soomaaliya oo cambaareeyay Qaraxyadii Muqdisho ka dhacay

Date:

Muqdisho (SNTV):- Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Haysom, ayaa cambaareeyay weerarradii Qaraxyada ahaa ee maanta Caasimadda Soomaaliya ay ka fuliyeen argagixisada Al-Shabaab.

War ka soo baxay Xafiiska Nicholas Haysom,ayaa lagu sheegay in weerarada ay ku dhinteen ugu yaraan 20-ruux.

Kooxda Nabad diidka Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxyada, midkii ugu horreeyay ayaa ka dhacay goob baaritaan oo ku taal agagaarka Tiyaatarka  Qaranka ee Muqdisho,waxaana dadka dhintay ka mid ahaa Wariye ka howlgalayay Tv-ga Universal oo fadhigiisu uu yahay magaalada London.

“Weerarada maanta Muqdisho ka dhacay ayaa muujinaya weerar kale oo fulaynimo ah oo lala beegsado dadka Soomaaliyeed iyo xuquuqda ay u leeyihiin iney ku noolaadaan nabadgelyo iyo sharaf, “ayuu yiri Mr Haysom. “Waxaan ku boorrineynaa mas’uuliyiinta Soomaalida inay ku dadaalaan in ay la dagaallamaan xag-jirnimada oo masuul ka ah denbiyadani naxdinta leh. Waxaan tacsi tiiraan leh u diraynaa qoysaska iyo saaxiibadii dhintay, waxaana rajeyneynaa in dadka dhaawacmay si dhaqsi ah kaga bogsoodaan. ” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Mr. Nicholas Haysom.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Guddoomiyaha Golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa si wadajir ah u cambaareeyay Qaraxyadii maanta ay kooxaha argagixisada ka fuliyeen Muqdisho,waxayna ku baaqeen in hal meel looga soo wada jeesto kooxaha nabad diidka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha dibadda oo qaabilay Danjiraha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Jabuuti

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Wasaaradda arimaha dibadda JFS oo digniin ka soo saartay warar been abuur ah

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan...