Ergayga QM u qaabilsan Soomaaliya oo cambaareeyay Qaraxyadii Muqdisho ka dhacay

Date:

Muqdisho (SNTV):- Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Haysom, ayaa cambaareeyay weerarradii Qaraxyada ahaa ee maanta Caasimadda Soomaaliya ay ka fuliyeen argagixisada Al-Shabaab.

War ka soo baxay Xafiiska Nicholas Haysom,ayaa lagu sheegay in weerarada ay ku dhinteen ugu yaraan 20-ruux.

Kooxda Nabad diidka Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxyada, midkii ugu horreeyay ayaa ka dhacay goob baaritaan oo ku taal agagaarka Tiyaatarka  Qaranka ee Muqdisho,waxaana dadka dhintay ka mid ahaa Wariye ka howlgalayay Tv-ga Universal oo fadhigiisu uu yahay magaalada London.

“Weerarada maanta Muqdisho ka dhacay ayaa muujinaya weerar kale oo fulaynimo ah oo lala beegsado dadka Soomaaliyeed iyo xuquuqda ay u leeyihiin iney ku noolaadaan nabadgelyo iyo sharaf, “ayuu yiri Mr Haysom. “Waxaan ku boorrineynaa mas’uuliyiinta Soomaalida inay ku dadaalaan in ay la dagaallamaan xag-jirnimada oo masuul ka ah denbiyadani naxdinta leh. Waxaan tacsi tiiraan leh u diraynaa qoysaska iyo saaxiibadii dhintay, waxaana rajeyneynaa in dadka dhaawacmay si dhaqsi ah kaga bogsoodaan. ” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Mr. Nicholas Haysom.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Guddoomiyaha Golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa si wadajir ah u cambaareeyay Qaraxyadii maanta ay kooxaha argagixisada ka fuliyeen Muqdisho,waxayna ku baaqeen in hal meel looga soo wada jeesto kooxaha nabad diidka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya oo Qatar kulan kula yeeshay Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Gudaha.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Madaxweynaha JFS oo qadka teleefanka ugu hambalyeeyay dhiiggiisa dalka Uganda.

Muqdisho, Jannaayo 21, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qaybgalay Shir-weyne ku Saabsan Nidaamka Federaalka.

Muqdisho, Janaayo 21, 2026: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna...

Golaha Shacabka ee BFS oo Ansixiyay Heshiiska Dhismaha Urur Goboleedka IGAD.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...