Wasiirka Warfaafinta XFS oo tababar u furay shaqaale ka tirsan wasaaradda iyo hay’adaha kale ee dowladda

Date:

Muqdisho (SNTV) Tababarkani oo ku saabsan xoojinta xiriirka ka dhexeeya Hayadaha Dowladda Iyo bulshada inteeda  kale Ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho,waxaana Lagu soo bandhigay aragtiyo ku aadan side ugu Hoboon ee loo xoojinkaro arrintaasi.

Tababarkani ayaa waxaa soo qabanqaabisay Wasaaradda Warfaafinta XFS,waxaa maalgelinaysa safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya,iyadoo hirgelintiisu ay iskakaashanayaan Muqdisho Media House Iyo Farsight Africa,waxaana Lagu soo bandhigay aragtiyo ku aadan ahmiyadda ay leedahay in xal loo helo caqabadaha kuhor-gudban xoojinta xiriirka.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka Iyo Dalxiiska Iyo Danjiraha Dowladda Mareykanka oo furitaanka ka Hadlay ayaa faah faahiyay hadafka laga leeyahay Tababarkani.

Safiirka Mareykanka eye Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa sheegay in Dowladda Mareykanku ay Diyaar u tahay Sidii taageero Buuxda loo siin Lahaa Soomaaliya,iyadoo loo marayo hirgelinta mashaariic horumarineed.

Mudane Daahir Maxamuud Geele Wasiirka Warfaafinta  Iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in qorshaha Wasaaradda uu yahay wacyigelinta bulshada,sida xoojinta xiriirka Iyo barnaamijka isqaadasho is loo hello xasilooni iyo horumar.

Wasiirka Warfaafinta ayaa Uga mahadceliyay Dowladda Mareykanka garab istaageeda Soomaaliya,wuxuuna ku booriyay shaqaalaha Dowladda in ay ka faa,ideystaan tababarkani ayna Uga adeegaan bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Booliska Soomaaliya oo xiray dhalinyaro ku Eedeysan qalqal-gelin amni

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa...

Horjoogaal Khawaarijta ka tirsan oo lagu khaarijiyay howlgal laga fuliyay Gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyay deegaanka...

Ra’iisul wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Soomaaliya oo Ka Qayb gashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Hindiya iyo Carabta

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...