Wasiirka Qorsheynta XFS oo si rasmi ah xariga uga jaray xafiiska Hay’adda (IOM) ee Muqdisho

Date:

Muqdisho(SNTV) Wasiirka Qorasheynta oo uu wehliyo Xoghayaha Joogtada ah ee  Wasaaradda iyo Madaxa Hay’adda muhaajiriinta Aduunka International Organization Immagracration (IOM) ayaa maanta si rasmi ah Xariga uga jaray Xafiiska Soomaaliya Hay’addan.

IOM Xafiiskeeda Soomaaliya ayaa in muda ah ku yaalay Dalka Kenya,halkaas oo shaqadeeda ay kaga Maamuli jireen, waxayna Sabab u tahay soo guurida IOM in ay ka jawaabtay go,aankii Xukuumada ee ahaa in dhamaan Hay’daha ka shaqeeyo Arrimaha Soomaaliya in ay xafiisyadooda in ay ka furaan dhulka Soomaaliyeed,Waa talaabo xoojinayso heygalka Dowladnimada,Isla Xisaab oo lagu ogaanayo shaqada ay hayaan.

Wasiirka Qorahsyenta Jamaal Maxamed Xasan iyo Xoghayaha Joogtada ah ee wasaaradda  Cabdulqaadir Maxamed Aadan iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka hadlay ahmiyadda uu leeyahay furitaanka xafiiskani,waxayna ku tilmaameen talaabo dhanka horumarka ah loo qaaday.

Waxaana furitaanka Xafiiska Hay’adda Socdaalka Aduunka International Organization Immagracration(IOM) fursad u abuuraysaa dhalinyaro fara badan oo Soomaaliyeed iyo kobaca Dhaqaalaha.

Waxaa sidan oo kale dalka dib ugu furtay xafiisyadooda ilaa dhowr hay’adood oo ka jawaabay baaqa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

W/Q :Abdirashid Nor.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Abaar daran oo saameysay dadka iyo duunyada oo ka taagan gobolka Mudug.

Gobolka Mudug waxaa ka taagan abaar daran oo si...

Soomaaliya oo markii ugu horreysay la wareegtay hoggaanka Golaha Ammaanka ee QM.

Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ula...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya.

Muqdisho, Arbaco, 31 Diseembar 2025: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta Israa’11l oo ka dhacay Baladweyne.

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa maanta martigelisay...