Taliyaha Ciidanka Xoogga oo Hambalyo u diray Ciidanka Booliska oo berri u dabaal degaya Sanadguuradii 75aad.

Date:

Muqdisho (SNTV)- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe  ayaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyay Munaasabadda Sanad guuradda 75-aad ee kasoo wareegtay Xilligii la aas-aasay Ciidankaasi.

“Aniggoo ku hadlayo Magaceyga iyo kan Ciidanka Xoogga dalka Waxaan Hambalyo  u dirayaa Sarreeyaasha , Saraakiisha, Saraakiil xiggeennada, Alifleyd iyo dableyda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo Maalinta berri ah u dabaal dagaya Sanad guurrada 75-aad ee kasoo wareegtay Xilligii la aas-aasay Booliska” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Xoogga

Sarreeye gaas Daahir Aadan Cilmi ayaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ku ammaanay Doorka wanaagsan ee ay ka qaadanayaan Amniga iyo xasilinta Dalka.

Dhanka Kale Abaanduullaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye guuto Odowaa Yuusuf Raage ayaa isna dhankiisa waxa uu hambalyo u diray Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

“Sanadguurada 75aad ee kasoo wareegtay markii la aas-aasay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed awgeed, waxaan Hambalyo leeyahay, Sareeyeyaasha, Saraakiisha, Saraakiil xigeennada, Alifleyda dableyda Ciidanka Booliska, Xaasaskooda iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed, waxaan u rajeynayaa  inay horumar ku gaaraan Sanadkaan kiisa kale” ayuu yiri S/guuto Odowaa.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo la aas-aasay 20 December 1943 ayaa sanadkaan xusi doona Sanad guuradii 75-aad ee kasoo wareegtay Xilligii la aas-aasay Booliska, waxaana sanadkaan Munaasabadda laga darreemayaa u diyaar garow aad u ballaaran.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Spain oo kala saxiixday heshiis Taariikhi ah 

Dowladaha Soomaaliya iyo Spain ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad...

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo xilalka ka qaaday laba Wasiiru Dowle

Muqdisho, Khamiis, 26 Maarso 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Taliyaha CXDS oo booqday Askartii kusoo dhaawacantay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud,...

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta oo Kormeer ku tagay Xarunta taliska

Kusimaha Wasiirka ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha...