Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Daah-furay Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 2020-2024

Date:

Muqdisho (SNTV)—Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay shir lagu daah furayay qorshaha horumarinta qaranka ee 2020-2024 kaas oo gundhig u noqonaya horumarka la doonayo in dalku gaaro muddda shan sano gudahood ah.

Wasiirka qorshaynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha XFS, Jamaal Maxamed Xasan, oo ka war bixiyay kulanka ayaa sheegay in la diyaariyay hannaanka iyo qaab dhismeedka qorshaha horumarinta qaranka ee 2020-2024, lana billaabayo la tashiyo lagala samaynayo mawaadiniinta Soomaaliyeed meel waliba oo ay dunida uga suganyihiin si qorshaha loogu saleeyo rabitaankooda.

Bulshada ayaa ka talo bixinaysa sida uu qorshuhu u ekaanayo, ahmiyadda uu u leeyahay horumarinta dalka iyo muuqalka ay rabaan in dalku u ekaado si dawladda iyo hay’adaha kale ay ugu shaqeeyaan qorshaha laga sameeyo natiijada kasoo baxda xog iyo talo aruurinta bulshada Soomaaliyeed.

Qorshaha horumarinta qaranka ee maanta la daah furay oo noqonaya kii sagaalaad laga soo billaabo 1960-kii iyo sidoo kale qorshihii 2-aad tan iyo bur-burkii, ayaa bedelaya qorsha hadda jira ee 2017-2020.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga XFS oo furay barnaamuj diiradda lagu saarayo horumarinta Wejiga labaad ee Barnaamijka Wadajirka Booliska

Wasiirka Amniga Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh...

Galmudug oo shaacisay in dadka iyo duunyada ku nool Mudug ay saameyn xooggan ku yeesheen abaaraha dalka ka jira

Wasaaradda Gargaarka, Maareynta iyo Masiibooyinka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa...

Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis iskaashi difaac

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Qatar ayaa maanta kala...

Dowladda oo casuumaad u dirtay golaha mustaqbalka Soomaaliyeed

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah casuumaad ugh...