Ra’iisul wasaare Khayre oo la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Amniga iyo Nabadda Midawga Afrika

Date:

Muqdisho (SNTV):-Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Dooxa ee dalka Qatar kula kulmay Guddoomiyaha Guddiga Amniga iyo Nabadda Midawga Afrika, Ambassador Smail Chergui.

Ra’iisul wasaare Khayre iyo Ambassador Smail Chergui ayaa ka wada hadlay dardar-gelinta hawl-galka AMISOM ee Soomaaliya, dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagaxisada ah iyo diyaar garowga loogu jiro qorshaha mas’uuliyadda amniga ay kula wareegayso dawladda Soomaaliya.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay sii wadidda taageerada dhanka amniga ah ee midawga Afrika ay siiyaan Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Tamarta XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lahusoo dhaweeyay Dhuusamareeb. 

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha...

Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta oo gaaray magaalada London.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Al-Cadaala, ayaa...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...